|

“Al-Shabaab kama dambeyn weerarkii Mpeketoni” Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta

Nairobi 17.June 2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in weerarradii dhimashada sababay ee ka dhacay tuulada Mpeketoni oo ka tirsan degmada Lamu aysan ahayn kuwo ay soo abaabushay Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen siyaasiyiin Kenyan ah.

Uhuru KenyattaMadaxweyne Kenyatta ayaa xusay in caddeymaha la hayo ay muujinayaan in weerarradaas ay ka dambeeyaan siyaasiyiin isku xiran oo Kenyaan ah, kuwasoo ku lug leh qorsheynta iyo dilalka wuxuushnimad ah.

Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan jeediyay galabta mar uu ka hadlayay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

Wuxuu tilmaamay in saraakiisha amniga ee tuulada Mpeketoni ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan weerarka, sidaas daraadeedna shaqada laga joojin doono, isla markanaa la soo taagi doono maxkamad.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkii Mpeketoni.

Booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay 15 qof ku dhinteen weerar kale oo xalay lagu qaaday meel u dhow deegaanka Mpeketoni ee gobolka Xeebta.

Sidoo kale ugu yaraan 48 qof ayaa maalintii Axadda ku dhintay weerar ay koox hubeysan ka geysatay deegaanka Mpeketoni.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed