|

Al Shabaab iyo ciidamada Jubaland oo Baar Saanguuni ku dagaalamay

Kismaayo March 02, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland iyo Al-Shabaab, waxaana uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay saaka aroortii isku dayeen inay dib ula wareegaan deegaanka Baar Sanguuni, halkaasoo ay iska caabin kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab. Iska horimaadka ayaa sii xoogeystay iyadoo labada dhinac uu dagaal xooggan dhexmaray.

Ciidamada Jubaland ayaa u ruqaansaday dhanka wabiga halka qaar kamid ah ciidamadooda ay u ruqaansadeen wadada dheer ee aada magaalada Kismaayo, halkaasi oo iska hor imaadka uu sababay burbur xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay Baar Sanguuni uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, iyadoo Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland ay khasaare gaarsiiyeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas ku gaarsiiyeen khasaarooyin kala duwan, islamarkaana ay ku qabsadeen hub kala duwan. Sidoo kale, waxay xaqiijiyeen in iska horimaadka ay ku dhinteen afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in dhankooda uu qasaare yar ka soo gaaray dagaalka, iyadoo hal askari oo kaliya uu dagaalkaasi kaga dhaawacmay, inkastoo aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Comments are closed