|

Al Shabaab iyo Ciidamada Dawlada oo Muqdisho ku dagaalamay

Muqdisho August 17, 2024(QJ)-Waxaa soo baxaya warar ku saabsan dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku leeyihiin halkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Arbacow. Waxaa xigay dagaal afar geesood ah oo dhexmaray labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in la maqlayay rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac balse lama xaqiijin karo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo xilliga habeenkii ah iyo xog kooban oo laga helayo.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay dib u riixeen raggii weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyagoo sheegay inay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Xaaladda ayaa maanta lagu soo waramayaa inay degan tahay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku sugan yihiin deegaanka Ceelasha Biyaha iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo howlgallo ka sameeyay.

Comments are closed