|

Al Qaacidda Afrika oo Sheegay in ay dileen Laheyste u dhashay dalka Faransiiska

Nawakshot 20 2013 (SDN)– Aqaacidda Waqooyiga Afrika ayaa Sheegay in ay dileen Nin ganacsada ahaa oo u dhashay Wadanka Faransiiska kaasi oo ay ka qabteen dalka Maali Sanadkii 2011kii.

Wakaalada Wararka Muruteyniya ANI ayaa soo warisay iyadoo soo xiganeysa Hogaamiyaal ka tirsan Al Qaacidda Waqooyiga Afrika in la khaarajiyay Philippe Verdon 10kii Bishan iyagoo u sababeynaya Faragalinta Milatari ee Faransiisku kawado dalka Mali.

Mr Verdon oo ay Al Qaacidda Waqooyiga Afrika Sheegtay in dileen iyo Ninkale oo Faransiis ah ayaa waxaa la afduubtay Magaalada Hombori ee dalka Mali sanadkii 2011dii.

Dowladda Faransiiska ayaa ciidamadeeda u dirtay dalka Mali Bishii January  kaddib markii Kooxo xiriir la leh Al Qaacidda ay la wareegeen dhamaan Magaalooyinka kuyaalla Waqooyiga dalka Mali.

Ciidamada Faransiiska ayaa hada dagaal kawada Buuraha fog ee lagu magacaabo Ifoghas oo kuyaalla Waqooyiga dalka Mali.

SDN-Nawakshot 

Comments are closed