Akhriso oo ka Bogo Xeerka Saxaafada Soomaaliya
Muqdisho July 16,2013(SDN)-Waxa Todobadaakii hore la soo bandhigay xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo saxaafadu ku kala qeybsantay taageeradiisa.
Xeerkan oo ay ansixiyeen gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa taabanaya dhinacyo faro bada,AKHRISO OO KA BOGO:
Xeerka Saxaafadda
Hordhac
Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshadda, waxtar weyna u leh, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “War la helaa, talo la helaa” murti kale oo Soomaliyeed waxay leedahay: “Muslimow run sheeg, Muslimow ka rumayso”. Xikmado kale oo badan oo ku jira dhaqanka iyo saxaafadda Soomaalidu, waxay u jeedaan in beenta iyo been abuurka laga dhowro warbaahinta, oo had iyo jeer la faafiyo warar xaqiiqada ku salaysan.
Warbaahinta run sheega ku dhisan waa mida u adeegaysa kobcinta dimuquraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo hirgelinta mabaadidada ku dhisan cadaaladda.
Saxaafadda iyo warbaahintu maadaama ay yihiin wax u adeegaya dadweynaha waa inay ahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo aysan ku xadgudbin xuquuqda
muwaadiniinta, hay’addaha iyo dawladda toona.
Beenta iyo dicaayadda aan sal laheyn iyo majara habaabinta xaqiiqadu waxay dhaliyaan fidno, isku dhac, burbur iyo isnaceeb. Iyadoo waxa aan waqtigan iyo mustaqbalkaba u baahanahay, ay yihiin Nabadgaliyo, kala dambeyn, isqadarin, Cadaalad, waxdhis iyo nabad-kuwada-noolaansho.
Xoriyadda qawlku oo ay ka mid tahay cabirka fikirka iyo run sheegidu waa mid ay
aqoonsanyihiin falsafadda xeerka, heshiisyada caalamiga ah ee xaquuqul insaanka iyo baaqyada heer Qaarad iyo Gobol.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay damaanad qaaday oo ay ogoshahay
heshiiyada la soo sheegay, waxayna dhiirigalinaysaa xoriyadahaas, iyadoo lagu
shaqeynayo dastuurka dalka u degsan.
Hawlaha Saxaafadda iyo warbaahinta waxaa nidaaminaya islamrkaana soohdimaynaya xeerkan.
Dadku markay helaan awood ay ku heli karaan warar sugan, ayey yeelan karaan ka
qeybgal wacan ee lafaltanka iyo la jaanqaadida Dimuquraadiyadda iyo nidaamka dowliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka wax yeelaya sharafta Qaranka sida, laaluushka, eexda iyo isku xadgudubka.
Ugu dambeyn, warbaahinta wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta jidka horumarka iyo asluubta wanaagsan, kana waanisa wixii waxyeelaya madax banaanida, nabadgalyada iyo midnimada Qaranka.
Xeerka Saxaafadda ama Warbaahinta
Qodobka 1aad
Qeexidda Saxaafad ama Warbaahin
Saxaafad ama Warbaahin waa habka ama dariiqada loogu gudbiyo bulshadda warar,
macluumaad, madadaallo, khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida:
idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada,
farshaxanka sawirada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda.
Qodobka 2aad
Xoriyadda Saxaafadda
1. Saxaafaddu waa u madax-banaan tahay fulinta hawlaheeda saxaafadeed ama
warbaahineed.
2. Xoriyadda hadalka iyo fikirka waxaa loo fulinayaa sida ku xusan Dastuurka Federaalka
ee Soomaaliya (Qod. 18 aad) oo qeexaya xoriyadda ra’yiga iyo afkaarta, axdiyada
caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo goboleed ee Soomaaliya qaybta ka tahay.
3. Warbaahinta gaarka ah laguma sameyn karo faaf-reeb wararkeeda, laguma khasbi karo
sii-deynta warar u daneynaya dhnac gaar ah.
Qodobka 3aad
Xeerka Saxaafadda
1. Xeerka Saxaafaddu wuxuu nidaaminayaa hawlaha kala duwan ee warbaahinta, mid
dawlad leedahay ama mid gaar loo leeyahay (Public and Private Media).
2. Wuxuu Xeerkani qeexayaa xiriirka u dhexeeynaya Wasaaradda iyo bahda saxaafadda.
3. Xeerkani wuxuu tilmaamayaa xiriirka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’addaha warbaahinta, bulsho-weynta.iyo dawladda
Qodobka 4aad
Warbaahinta Gaar ahaaneed
1. Waxaa loo oggol yahay in warbaahin gaar ahaaneed ay furan karaan urur, shirkad ama
muwaadin kasta oo Soomaali ah, haddii ay buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:
b) In daneeyaha doonaya in uu furto warbaahin uu wada-tashi la sameeyo Golaha
Saxaafadda Qaranka (oo hoos taga Wasaaradda Warfaafinta) arrimaha ku saabsan
nooca, awoodda, tayadda, qaabka shaqo, kanaalka ama hirarka (frequency-ga) ee
saxaafadda uu isticmaalayo ka hor hawl-galka.
t) In qalabka uu keensanayo ama uu ku hawl-galo uusan ahayn mid wax u dhimaya
degaanka iyo hab-sami ula shaqeynta warbaahinta kale.
2. Warbaahinta gaarka ah ee hadda shaqeeya waxay u baahan yihiin in ay soo weydiistaan
‘ruqsad’ warbaahineed, iyagoo Golaha Saxaafadda Qaranka u soo gudbinaya qaab-dhismeedka warbaahintooda, qalabka ay adeegsadaan, mowjadaha ay ku shaqeeyaan iyo
goobta warbaahinta ee ay ka hawl-galaan.
3. Ma shaqeyn karto warbaahin aan haysan ruqsad qoraal ah iyo diiwaangelin ay bixisay
Wasaaradda Warfaafinta.
Qodobka 5aad
Hay’addaha Saxaafadda Shisheeye
1. Hay’addaha Saxaafadda iyo wakaaladaha wararka ee shisheeye waxay xor u yihiin in ay dalka ku yeeshaan wakiilo uga hawl-gala maadaama saxaafadda dalku tahay mid xor ah, balse waxaa looga baahan yahay in aysan adeegyadoodu ka hor imaan xeerarka dalka iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.
2. Hay’addaha warbaahinta shisheeye ama cid kasta oo daneyneysa adeeg saxaafadeed ama warbaahineed, waxay iskaashi yeelan karaan warbaahinada hawl-gala ama mid cusub oo la abuurayo oo shirkad kuwada noqonayaan, iyagoo soo buuxinaya shuruudaha uu
xeerkani tilmaamayo.
3. Weriyaha ka hawl-gala saxaafadda, waxaa ka reeban in uu ku dhaqaaqo hab-dhaqan ka
hor imanaya xeerka saxaafadda, dhaqanka suuban, diinta iyo shuruucda kale ee dalka.
4. Wakiilada hay’addaha warbaahinta iyo weriyeyaashooda, haddii lagu soo eedeeyo in ay
ku xad-gudbeen xeerkan, waxaa si ku-meel-gaar ah looga joojin karaa shaqada ilaa inta
dacwadiisu ka dhammaanayso, iyadoo loo gudbinayo gal-dacwadeedka hay’addaha
garsoorka.
5. Hay’addaha warbaahinta shisheeye, marka ay wakiil u soo dirsanayaan dalka, waxaa laga doonayaa in ay helaan ‘ruqsad’ ay ku hawl-galaan oo ay bixisay Wasaaradda
Warfaafinta, iyagoo u hoggaansamaya shuruucda dalka.
Qodobka 6aad
Qaab-dhismeedka Golaha Saxaafadda Qaranka
1. Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ) wuxuu ka koobnaanayaa shan & toban (15) xubnood oo ka kala imaanaya qeybaha soo socda:
b) shan (5) xubnood oo laga soo dhex xulo Suxufiyiinta Soomaaliyeed;
t) saddex (3) xubnood oo laga soo xulo Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka;
j) laba (2) xubnood oo sharci-yaqaano ah; iyo
x) shan (5) xubnood oo laga soo xulo hawl-wadeenada Wasaaradda Warfaafinta.
2. Golaha Saxaafadda Qaranku waxay dhexdooda ka dooranayaan Guddoomiye,
Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye.
Page 5 of 11 June 12, 2013
3. Go’aanada Goluhu waxay ku meelmarayaan cod hal-dheeri ah, haddii codadku isla’ekaadaana waxaa la raacayaa dhinaca Guddoomiyuhu u codeeyey.
4. Fadhiyada Goluhu waxay ku ansaxayaan marka ay joogaan 2/3 (saddex meelood laba) tirade guud ee Golaha.
5. Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ) waxaa lagu magacaabayaa soo-jeedinta Wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta, waxaa ansixinaya Golaha Wasiiradda, waxaana Dekreeto ku
soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobka 7aad
Xilka Golaha Saxaafadda Qaranka
1. Ilaalinta anshaxa iyo ku-dhaqanka Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.
2. Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka saxaafadda gaar ahaaneed, dawladda iyo bulshadda.
3. Qiimeynta iyo Ogolaanshaha hawl-galka hay’addaha warbaahinta gaar ahaaneed.
4. Soo-jeedinta kala noqoshada ruqsaddaha hawl-galka hay’addaha warbaahinta gaar
ahaaneed.
5. Qabashada iyo go’aan-ka-gaarista cabashooyinka ka yimaada suxufiga, warbaahinta ama bulsho-weynta.
6. Anshax-marinta hay’addaha warbaahinta gaar ahaaneed, weriyeyaasha, qoreyaasha iyo hawl-wadeenada saxaafadda.
Qodobka 8aad
Diiwaangelinta
Warbaahin kasta, sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Shinimooyin, iwm ha ahaadeen qaar hadda shaqeeya ama kuwa cusub oo la furayo, waxaa laga doonayaa in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta, laga bilaabo taariikhda uu xeerkani dhaqan-gal noqdo.
Qodobka 9aad
Khidmadda
Warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay waxaa laga qaadayaa khidmad diiwaangelin, khidmad- sanadeed iyo khidmadda suxufiyiinta shisheeye ee ka hawl-gala dalka, iyadoo dhammaan khidmadahaas lagu qeexi doono xeer-nidaamiye ay soo saari doonto Wasaaradda Warfaafinta kadib marka la-tashi lala sameeyo Wasaaradda Maaliyadda.
Qodobka 10aad
Mulkiyadda, Maamulka iyo Masuuliyadda
1. Warbaahin kasta oo si gaar ah loo leeyahay waxay lahaanaysaa mulkiile loogu soo hagaago oo leh mulkiyadeeda iyo Maamule ka ma’suul ah hawl-fulinta.
2. Codsiga diiwaangalinta waa in lagu soo daraa warqadda lahaanshaha, magaca milkiilaha, degaankiisa, cinwaankiisa gaarka ah, nooca warbaahinta ay ku hawlan yihiin.
3. Codsiga waxaa lagu muujinayaa magaca, aqoonta iyo cinwaanka maamulaha.
4. Mulkiyadda iyo maamulka warbaahinta waxaa isku qaban kara hal ruux.
5. Warbaahin kasta waxay yeelanaysaa cinwaan loogu soo hagaago sida Santuuq Boosto, Fax lambar, e-mail.
Qodobka 11aad
Ruqsad-bixin
1. Warbaahinta soo buuxisa shuruudaha ku qoran xeerkan, waxaa la siinayaa ruqsad ay ku
hawl-gasho muddo 30 casho gudahood ah.
2. Muddada la sugayo ruqsadda warbaahintu ma qaban karto wax hawl ah oo la xiriira
adeegga warbaahinta.
3. Daneeyaha soo codsaday ogolaansho furasho warbaahin gaar ahaaneed ama leh mid horay u jirtay ee ku qanci waayo go’aanka Golaha Saxaafadda Qaranka, waxaa u banaan in uu racfaan u qaato Wasaarada warfaafinta si cabashadiisa dib-u-eegis loogu sameeyo.
4. Haddii daneeyuhu ku qanci waayo go’aanka Wasaaradda Warfaafinta waxaa u furan in uu cabashadiisa u gudbiyo maxkamadda awoodda u leh dhegaysiga dacwadaas.
Qodobka 12aad
Waayidda Ruqsadda Diiwaangelinta
Hay’adda warbaahineed ee hore loo siiyey ruqsad, lana diiwaangeliyey waxay waayi kartaa xaqa ruqsadda, haddii ay ku hawl-geli-weyso muddo lix (6) bilood ah ama hakad galo adeeggeeda muddo dhan lix (6) bilood.
Qodobka 13aad
Tilmaamo muhiim ah
1. Daabacaad kasta, sida wargeysyada ha ahaado maalinle ama mid xilliyeed, website ama nooc walba oo daabacad warbaahineed ah, waxaa muhiim ah in ay ka muuqdaan Magaca,
Taariikhda daabacaada, Degaanka, Magaca maamulaha iyo tifaftiraha.
2. Wargeys kasta ee la soo saaro nuqulka (sample) ugu horeeya waxaa la dhigayaa Golaha
Saxaafadda Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta.
Qodobka 14aad
Is-bedelka ku yimaada warbaahin horay loo diiwaangeliyey
Is-bedel kasta oo ku yimaada muuqalka, awoodda iyo tayada warbaahin haysta ruqsad iyo
diiwaangelin, mas’uulka hay’addaas wuxuu si dhaqso ah u wargelinayaa Golaha Saxaafadda Qaranka iyo Wasaarada Warfaafinta si loo diiwaangeliyo is-bedelka ku yimid muddo 7 maalmood (maalmo shaqo) gudahood ah.
Qodobka 15aad
Is-bedelka milkiyadda, magaca iyo Maamulka
Is-bedel kasta, oo lagu samaynayo milkiyadda, maamulka iyo magaca warbaahinta waxaa lagu wargelinayaa Golaha Saxaafadda Qaranka, Wasaaradda Warfaafinta, si loo diiwaangeliyo is-bedelka ku yimid hay’adda.
Qodobka 16-aad
Anshaxa Saxaafadda
Sharciga nidaamka Saxaafadeed ee Qaranku wuxuu ku salaysan yahay mabaadi’ida Dastuurka, waxaana Warbaahinta Soomaaliyeed ka reeban in ay gudbiso ama faafiso wax kasta oo wax u dhimaya dalka, dadka iyo diinta sida:
1) Tebinta ama faafinta warar been ah ama xog aan sal iyo raad laheyn.
2) Gudbinta ama faafinta arrimo wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasiloonida Qaranka.
3) Gudbinta iyo faafinta qoraal, maqaal ama muuqaal meel-ka-dhac ku ah xeerarka dalka.
4) Faafinta ama dabacaada sawirada lagu muujinayo cawrada aadanaha ee xaqiiqada ah.
5) Faafin muuqaalo naxdin leh sida jir bani-aadamka oo la googooyay, faraxumeyn iyo
sawiro argagax ku abuuraya bulshadda.
Qodobka 17aad
Warbaahin aan sharciyeysneyn
Cid kasta oo furta ama hawl-gelisa Warbaahin aan haysan ruqsad iyo diiwaangelin, waxaa laga xirayaa warbaahinta, waxaana la horgeynayaa maxkamadaha garsoorka dalka si loogu qaado ciqaabta xad-gudubka ay geysatay.
Qodobka 18aad
Wax-ka-bedelid aan la sharciyeyn
1. Hay’addii warbaahineed ee si ku celcelis ah u soo saarta Wargeys, Website ama Daabacaad aan ku salaysnayn sida dawladda u diiwaangashan, iyadoo aan loo ogolaan is-bedelkaas, waxy mutaysanaysaa ganaax lacageed oo dhan US$ 100 ama in la horgeeyo maxkamadaha garsoorka ee ku shaqada leh.
2. Hay’addii warbaahineed ee la xukumo waxaa ku waajibaya in ay soo celiso ama soo saarto nuqulkii asalka ahaa ee u diiwaangashanaa, ilaa iyo inta looga ogolaanayo is-bedelka ku yimid.
Qodobka 19aad
Caddeyn been abuur ah
Cidii ka been abuurta ruqsadda diiwaangelinta ama sameysa qoraal aan waafaqsanayn
sharuudihii lagu siiyey ruqsadda, waxaa lagu ciqaabayaa ganaax lacageed oo u dhaxeeya
US$500-2,000 (Shan boqol ilaa laba kun oo dolar).
Qodobka 20aad
Faafin Macluumaad been ah
Waxaa reeban faafinta been iyo dacaayad lid ku ah sharafta Muwaadin, qof, hay’ad ama dawlad, ciddii falkaas fulisa waxaa waajibaya:
1. In ay raali-gelin ka bixiso qoraal ah iyo saxid, kuna faafiso (qormada 1aad ee bogga hore) ee lagu daabacay ama isla barnaamijkii idaacadda laga siidaayey warka, iyadoo raali-gelintaas
ku sameynaysa muddo aan ka badnayn 48 saacadood marka dacwadaasi soo gaarto.
2. In ay u ogolaato muwaadinka ama hay’adda in ay ka soo jawaabaan wararka ay u arkayaan in ay ku yihiin been iyo sharaf-dhac lagu waxyeelaynayo, iyadoo aan la weydiisan wax kharash ah, waxaana lagu jawaabayaa isla wargeyska, bogga iyo qormadii warka lagu qoray ama warbaahintii laga siidaayey iyadoo aan la kala dhantaalin nuxurkeeda, si ay u gudbiso macnihii ay ku dhisnayd jawaabtu.
3. Haddii muwaadinka, hay’adda, ama dawladda laga sameeyey beenta ama la sharaf dilay ku qanci waayaan raali-gelinta la bixiyey, waxay xaq u leeyihiin in ay ka dacwoodaan
hay’addaha garsoorka soona bandhigtaan cabashadooda.
4. Dembiyada lagu galo Warbaahinta waxaa wadajir mas’uul uga ah qofkii warbaahinta ka sii daayey ama ku qoray maqaalka, tifaftiraha iyo hay’adda loo adeegayey.
5. Warbaahinta waxaa ka reeban in ay faafiso dacaayad qof dhintay ama qof aan dhimirkiisu dhammeyn oo aan isdifaaci Karin.
Qodobka 2 1aad
Magdhaw
Qofka ama hay’adda meel-ka-dhaca loogu geystay qalabka ama aaladaha warbaaxinta, wuxuu weydiisan karaa magdhaw u dhigma dhammaan waxyeelada gaartay, waxaana loo gudbin karaa Maxkamadaha Garsoorka haddii dhinacyadu ka heshiin waayaan dhexdooda.
Qodobka 22ad
Faafin khasab ah
Hay’adda warbaahineed ee lagu xukumo dembi ciqaabeed, ganaax ama magdhaw waxaa saran xil ah in ay baahiso xukunka lagu riday, haddii ay ka baaqsato arrinkan, waxaa lagu ganaaxayaa US$500 – 1,500 (Shan boqol ilaa Kun iyo Shan boqol doolar).
Qodobka 23aad
Warbaahinta Dawladda
1. Warbaahinta Dawladda waxaa ka mas’uul ah Wasaaradda Warfaafinta.
2. Wasiirka Wasaaradda wuxuu magacaabi karaa Agaasin Waaxeed oo qaabilsan xiriirinta
warbaahinada dawladda, kuwa gaarka ah iyo kuwa caalamka
3. Waxaa la abuurayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) oo ah
ururiyaha, gudbiyaha, qeybiyaha wararka dawladda.
4. SONNA waxay ka jawaabeysaa codsiyada iyo baahida xogeed ee warbaahinada dawladda, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa caalamkaba. Page 9 of 11 June 12, 2013
5. SONNA waxay soo xiganeysaa wararka Wakaaladaha caalamka iyo warbaahinada gaar
ahaaneed ee gudaha.
6. Waxaa la hawl-geayo warbaahin dawladeed sida idaacado, wargeyso, talefishino, websiteyo iwm, kuwaasoo soo bandhigaya warar, barnaamijyo, filimo iyo madadaalo ay kula tartamayaan warbaahinada gaarka.
7. Warbaahinta dawladdu waxay u madax-banaan tahay mihnadeeda saxaafadeed, iyadoo
dhawreysa anshaxa saxaafadda.
Qodobka 24aad
Iskaashi warbaahineed
1. Waxaa banaan abuuris shirkado warbaahineed oo ka dhexeeya dawladda iyo qeybaha
warbaahinta gaar ahaaneed iyadoo la dhiiri-gelinayo horumarinta iyo tayeynta
warbaahinta, sida kuwa hadda jira ama kuwa cusub oo la dhisi doono.
2. Heshiiska ku qoran faqradda 1aad ee isla qodobkan, waxaa loo marayaa hab-raaca
heshiisyada ee sharciga waafaqsan.
3. Heshiiska lagu abuurayo iskaashi warbaahineed oo ay kala saxiixdeen dhinacyada
(Dawladda iyo Warbaahin gaar ah) waxaa lagu caddeynayaa dhammaan qodobada
heshiiska oo idil.
4. Hay’ad kasta oo ka dhalata iskaashi warbaahineed oo ay ku shirkoobeen dawladda iyo
warbaahin gaar ah, waa inay u hogaansantaa xeerkan iyo shuruucda kale ee Qaranka.
Qodobka 25aad
Suxufi
1. Suxufi, waxaa noqon karo qof kasta oo Soomaali ah oo ka soo baxa xarumaha waxbarashada saxaafadda ama aqoon u dhiganta leh, leh xirfadda suxufinimo oo uu tababar ku soo qaatay ama leh waayo aragnimo uu ka dhaxlay muddadii uu ku jiray saxaafadda, isla markaasna aqoonsi suxufinimo ka heysta Ururka Suxufiyiinta Qaranka.
2. Xirfadda saxaafadda waa xirfad furan oo ay ka wada shaqaysan karaan bulshadda
qaybaheeda kala duwan ee daneynaya sida ku cad sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
3. Shaqaalaha kale ee ku hawlan saxaafadda iyo warbaahinta oo ah waayo-arag ama farsamo- yaqaan waxay ka tirsan yihiin bahda saxaafadda, waxaana xil ka saran yahay in ay dhawraan asluubta iyo anshaxa saxaafadda (Code of Ethics of Journalism).
4. Hawl-wadeenada saxaafadda eek u xusan faqrada 3aad ee isla qodobkan waxaa la siinayaa dhawrista suxufiga oo kale.
Qodobka 26aad
Waajibaadka Suxufiga
1. Suxufigu waxaa laga doonayaa in uu ahaado qof hufan oo xor u ah meharadiisa, kana run sheega dhacdooyinka uu ka warbixinayo, caddeynta cidda ama meesha uu warka ka helay.
2. Suxufigu waa in uusan ku xad-gudbin xuquuqda qofka, hay’addaha, shuruucda dalka iyo dhaqanka ummadda.
Page 10 of 11 June 12, 2013
3. Suxufigu waa in uu ka dhawrsado faafinta warar been ah iyo dayaacadaha wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida Qaranka, midnimada dalka iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshaddaa.
4. Suxufigu waa in uu dhawraa sharafka (dignity) lahaanshaha gaar ahaaneed (privacy),
xuquuqda iyo karaamada dadka uu wararka ka qaadayo isaga oo muujinaya qadarin.
5. Suxufiga waxaa ka reeban in uu ku helo xog ama sawiro gaar loo leeyahay si khiyaano ah ama tuuganimo ku dheehan tahay, haddii aysan jirin dan caam ah.
6. Masuuliyiinta warbaahineed iyo weriyeyaasha waa in ay sii daayaan warfaafin tifaftiran, dhexdhexaadnimo ka muuqato oo xaqiiqada ku fadhiya iyadoo aan la waxyeelayn xorriyada saxaafadda.
7. Hadii warbaahintu ama weriyuhu faafinayo war uu qarsoon yahay qofkii sheegay, waa in la qiimeeyaa ujeeddada wartebiyuhu isu qariyey, kadibna ay faafisaa warka.
8. Haddii wararka la faafiyey laga cabto waa in wartebiyaha la qariyey laga hor sheego
maxkamadda awoodda u leh dhegeysiga cabashada.
Qodobka 27aad
Xuquuqda Suxufiga
1. Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo amnigiisa, sharafkiisa iyo in uu u soo bandhigo xaqiiqada si xor ah.
2. Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo, wararka uu u baahan yahay haddii aanay jirin sabab macquul ah oo diidaysa.
3. Suxufiyiinta waa in dawladdu u fududaysaa fursado tababaro aqooneed oo la xiriira
mihnadooda shaqo.
4. Milkiileyaasha qalabka Warbaahinta iyo Warfidiyeenadu, waxay yeelan karaan ururo u gaar ah oo ay ku midaysan yihiin, kuna difaacaan danahooda.
5. Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah, waxay ilaalinayaan xuquuqda suxufiyiinta iyo
farsamo-yaqaanada u shaqeeya, wixii ku saabsan arrimaha:
i) Heshiiska shaqa-qorista
ii) Saacadaha shaqada
iii) Fasaxyada iyo jirada
iv) Shaqo-ka-tagista (ruqsadda), iwm.
6. Milkiileyaasha warbaahinta gaarka ah, suxufiyiinta iyo farsamo-yaqaanada shaqo waxay raacayaan xeerka shaqada iyo shaqaalaha gaarka ah ee dalka.
Qodobka 27aad
Ilaalinta xaqa lahaanshaha (Copyright)
1. Isticmaalka iyo amaahashada xog ama ra’yi la soo min-guuriyey waxaa la xusayaa qofkii curiyey xogta la xiganayo, waxaana reeban in la soo minguuriyo xog aan la xusin cidii curisay.
2. Waxaa reeban in la daabaco ama la badiyo qoraal, sawiro, filim, iwm oo aan ogolaansho laga haysan curiyaha ama soo-saaraha.
3. Xuquuqda ku xusan qodobkan faqradiisa (2) haddii lagu xadgudbo, curiyaha ama soo- saaraha waxa uu dacwad ka furan karaa maxkamadda awoodda u leh.
Page 11 of 11 June 12, 2013
Qodobka 28aad
Xeer-ilaalinta
Dembiyada la xiriira warbaahinta waxaa Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ka gacansiinaya Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ), Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Warfaafinta, waxaana dacwada la horgeynayaa maxkamadda awoodda.
Qodobka 29aad
Dhaqan-galka Xeerkan
Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.