Akhri Xubnaha Wasiirrada ah ee La Safan Ra’isal Wasaare Cabdiweli iyo Inta Kasoo Horjeedda
Muqdisho:Oct,27,2014(SDN/QJ)-Xubnaha ka wada tirsan Golaha wasiirrada ooh ore u soo dhisay Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa u kala jabay laba dhinac, waxana ay ku milmeem khilaafka ra’isal wasaaraha iyo madaxweynaha oo dibadda u soo baxay.
Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa isgarab taag ku sameeyay C/wali Sheekh iyagoo ka soo horjeestay mowqifka Xasan Sheekh oo isagu inta badan ay dhacdo inay wasiirro badani dhinaciisa maraan.
Wasiirada iminka garabka R/wasaaraha taagan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka,Wasiirka Amniga Qaran iyo wasiiro kale.
Dhanka kale M/weynaha ayaa heysta tiro kale oo Wasiiro oo u badan Wasiiro ku xigeeno waxa ayna wadaan qorshe Xildhibaanada ay mooshin kaga geenayaan Baarlamaanka R/wasaarea C/wali sida ugu dhaqsiyaha badan.
Xubnaha Wasiirada ee dhanka M/weynaha waxaa ka mid ah ,Wasiirka Garsoorka iyo arimaha federaalka,Wasiirka Haweenka,Wasiirka Maaliyada ,Wasiirka Arimaha Dibada iyo wasiiro kale oo iyagana qorshaha si hoose u wada.
Beesha caalamka ayaa wali sheeda ka eeganeysa guuxa faraha badan ee ka dhex taagan Dowlada Soomaaliya,inkastoo la filyo inuu Somalia soo gaadho Xoghayaha Qaramada Midoobay Banki Moon.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com