|

Akhri War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Muqdisho Uga Socday Xasan Sheekh Iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia

Muqdisho:Feb,06,2015(SDN/QJ)-Shirkii saddexda Maalmood magaalada Muqisho uga socday Madaxweyne Xasan sheikh iyo Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Somalia, ayaa maanta lasoo afjaray, waxana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban saddex qoddob.

madaxooCaasimadda Somalia, ayaa maanta lagu qabtay Xaflad lagu soo gunaanaday Shirkaas, waxana Aarkii dhinacyadii halkaas ku shirayey soo saareen War-murtiyeed ka kooban 12-Qodob.

Halkan ka Akhri warmurtiyeedka.

1. In la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Saree e Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015.

2. Waxaa jiri doona Guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xil saaran taabba gelinta howlaha Madasha.

3. Qorshaha lagu gaadhayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

4. Waa in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada hadhsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka.

5. Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi heer Wasiirro ah oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah kaas oo dib u eegis iyo dardergalin ku samayn doona qorshayaasha Cahdiga Cusub (New Deal) si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iideysto deeqaha caalamiga ah.

6. Waxaa la isla gartay in Dowladaha xubnaha ahi oo dhami ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku dubba-ridka deeqaha caalamiga ah oo wadashaqeyn buuxda la yeelanaya Xafiiska heer Federaal.

7. In si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka.

8. In la de-dejiyo dhismaha Guddiga Dastuuriga ah ee Amniga Qaranka.

9. Inta la gaadhayo Dhismaha Guddiga Amniga Qaranka, waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ka talo bixiya qaabka ugu habboon ee la isugu dhafi karo, loona horumarin karo ciidammada Soomaaliya ee heer Qaran.

10. Waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhammaan heshiisyada la galo.

11. Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimadaummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.

12. Madaxda Sare waxay ka mahadceliyeen kaalmada joogtada ah ee ay Beesha caalamku la garab joogto Soomaaliya, waxayna ka codsadeen kaalmadaas in la kordhiyo lana joogteeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed