Akhri Sida Madaxweyne Siilaanyo Dawladnimadii Ugu Dhalan-rogay Reernimo iyo Shakhsiyaadka Xinka Iyo Xumaanta Caanka ku ah ee Uu Urursaday
Hargeysa:Nov,20,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo oo dalka Haysay muddo shan sano ku dhaw, ayaa taariikhda ku gashay Xulufo ku urursan Madaxtooyada, kuwaas oo ku Bahoobay Reernimo iyo iyo Dano gaar ah oo ka fog kuwii qaranku u igmaday.
Madaxweynaha oo ka hor intaanu xilka qaban shacabku u hanweynaayeen ayaa muddo yar gudaheed ku lumiyey taageeradii shacabka, isagoo awooddii qaranka gacanta u geliyey shakhsiyaad kooban, kuwaas oo si gaar ah ugu wareegsan Haweenaydiisa ama marwada koowaad ee somaliland Aamina waris oo shacabku isweydiinayaan meesha ay dhaaftay aqoontii lagu sheegayey inay soo baratay.
Madaxtooyadii qaranka ayaa waxa ku ururay dad kooban oo intooda badani kasoo jeedaan Caa’ilada madaxweynaha, halka tiro yar oo kalena yihiin qaar kaliya ujeeddadoodu tahay inay noqdaan seefaha lagu gawraco xaqa danyarta, midka shacanka iyo midka saxaafadda Madax Bannaan, waxana ay si toos ah shaqo uga dhigteen inay madaxtooyada Geeyaan wararka cidkasta oo loo arko inay yeelatay fikir xukuumadda ka dhan ah si ay u noqdaan muqarabiin ama kuwa laga soo dhaweeyo guriga madaxtooyada ee haatan dulmiga badani ka socdo.
Shakhsiyaadka weli Bulshadu isweydiiinayo meesha ay ka keeneen Awoodda ay isticmaalayaan ayaa waxa kamid ah Wiil kasoo jeea Beesha madaxweynaha, isla-markaana qaba Haweenay madaxweynuhu dhalay, kaas oo magaciisu yahay Baashe Moorgan, waxana uu si weyn usoo shaac baxay xilligii uu socday Kiiskii Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Waxa soo raaca adeegayaal sarre oo ay ka mid yihiin wasiir Maxamuud Xaashi, xildhibaan Cali Mareexaan, wasiir Xuseen Waji-xun, wasiir Xirsi, wasiir Samsam Cabdi iyo wasiir Cali Warancade, kuwaas oo u kala sareeya siday magacyadoodu qormadeenan ugu kala horeeyaan oo ah siday ugu kala dhaw yihiin dhagta Aamina-Waris.
Haddaba halkay iska seegan yihiin dadka iyo ninkii ay madaxwaynaha u doorteen waxa weeyaan dadkii oo Siilaanyo wali madaxwayne u haysta oon ogayn inay jirto cid kale oo meesha ka talisa iyo caa’iladiisii oo dawladnimadii ay dadku amaanadda ugu dhiibteen Siilaanyo u haysta maqaaxi ay qabsadeen oo iyaga kalidood u shidan.
Cidkasta oo xukuumadda dhaliisha ama soo hadal-qaadda dawladnimadan dhacantay waxay caa’iladu u aragtaa cadaw ku soo duulay, waxaanay markiiba ku qaadaan dagaal qaawan oo loo adeegsanayo magacii iyo awoodihii ay lahayd dawladdii bulshadda ka dhaxaysay oo dhami.
Waxa markasta mudnaanta la siinayaa danaha gaarka ah ee caa’iladda taas oo markasta loo sad-qaynayo maslaxadihii guud ee ummadda iyo xuquuqdii muwaadiniinta, dhacdooyinka u danbeeyey ee ka mara-kacaya arrintan waxaynu tusaale ahaan usoo qaadan karnaa dagaalka xin iyo xaasidka ah ee caa’iladu ku qaaday HCTV, Haatuf, (Somaliland Times) iyo Hubaal oo dhamaantooda ah meherado warbaahineed oo ay leeyihiin, kana shaqeeyaan muwaadiniin reer Somaliland ahi. Waxa taas barbar-taala soo dhawaynta ay caa’iladu ku faanayso ee ay u fidisay Universal Tv oo ah hay’ad-warbaahineed oo uu leeyahay ganacsade reer Somalia ahi.
Waxay caa’iladu sidaas u yeelaysaa waa ku xumaynta mulkiilayaasha iyo shaqaalaha HCTV iyo saddexda wargeys ee wali xidhan. Muwaadinimo iyo waddanimo ay xeerinayaan ma jirto, waxay waliba ina tusayaan in xukuumadu tahay meherad ay gaar u leeyihiin oo cid wax ka sheegta daayoo cidda u guulwadayn-wayda naaraha laga waraabinayo.
Caqliyadda caynkaas u fikiraysa ee boobka hantidda ummadda iyo la dagaalanka xoriyatul-qawlka ku mamtay ayey taladii iyo awoodii dalku u gacan-gashay. Kuwa hadda talada haya iyo kuwa u bo’aya inay bedelaanba waxay labaduba raali ka yihiin in sidan hadda uu xaalku hayahay (status-quo) lagu sii socdo.
Hadaba garanay in loo baahan yahay in caa’iladdan xukunka laga tuuro, laakiin waxaynaan wali garan sidii aynu uga tabaabushaysan lahayn in cidda aynu ku badalaynaa iyo cidkasta oo ka dambaysa mustaqbalka aanay sidan oo kale taladda wadanka u marroorsan abid. Xalku halkaas ayuu ku jirraa waxase loo baahan in taladeeda layskugu yimaado si aynu xal ugu helno dhibaatooyinka dawladnimada iyo is-xukunka ee marwalba inagu soo noqnoqonaya (Governance).
Sidaas oo ay tahay iyo Godobahaas Ciidda ka badan ee Xukuumaddu ka gashay Bulshada, ayaa haddana arrinta Yaabka lihi waxa ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo uu Doonayo inuu markale shacabka ka dalbado inay cod siiyaan, waxana hanka Madaxweynuhu Shacabka tusayaa sida aanu wax war ahba ugu haynin dhibta Kooxda dulmi-wadayaasha ahi ku hayaan Shacabka uu codka ka doonayo.
Xigasho:Haatuf.
SDN/QJ