|

Akhri Sababta Mudanayaasha Reer Awdal u Qaadaceen Mooshinka Ka Dhanka Guddoomiye Cirro oo ay Markii Hore Taageersanaayeen

Hargeysa:Nov,16,2014(SDN/QJ)-Mudanayaasha Aqalka Wakiillada kaga jira Gobolka Awdal, ayaa shalay si u diiday inay qayb ka noqdaan Shirqool  Madaxtooyada kasoo baxay, kaas oo la doonayey in si xoog ah xilka looga qaado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro).

aeSida ay sheegayaan xogaga soo gaadhaya Qurbejoog.com, waxa Mudanayaasha Reer Awdal  ay markii hore ogolaayeen in meesha laga saaro Guddoomiye cirro, balse talo badan oo ay heleen kadib waxa ay Go’aansadeen inaan halkaas wax faa’iido ahi ugu jirin, waxana ay isku raaceen inay arrintaas Beri ka noqdaan oo aanay qayb ka noqon qalalaasaha ka taagan Xarunta Golaha Wakiillada.

Mudanayaashani waxa ay  sida la sheegayo talo badan ka heleen Wax-garadka iyo Shakhsiyaadka talo-qabeenka ah ee Reer Awdal, waxana ay la tusay inaan Gobolka Awdal aannay dani ugu jirin Mooshinkaas meesha lagaga saarayo Guddoomiye Cirro, iyagoo mudanayaashuna garwaaqsaday Soo jeedimaha Dadkooda.

Arrimaha ay Reer Awdal saluugeen ayaa waxa la sheegay inay ugu weyn tahay inay codsadeen in la siiyo kursi kamid ah kuraasta Shir-guddoonka ee saddexda ah, waxana arrintaas is hortaagay Mudanayaasha Golahaas, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha dhexe ee haatan muxaafidka ah.

Markii Xubnaha reer Awdal loo diiday inay kusoo ruqaansadaan Shirguddoonka Golaha, ayey Candhuuftooda dib uga liqeen, waxana ay ku dhawaaqeen inaanay u badheedhayn Godob aan wax dheef ahi ugu jirin, iyagoo isku raacay inay shirqoolkaas dibadda ka ahaadaan.

Mudanayaasha Diiday in Reer Awdal Kuraasta shirguddoonka kusoo fadhiistaan, ayaa waxa  la sheegay inay ku andacoonayeen inay beesha dhexe xaq uleedahay inay laba kamid ah Shirguddoonka haysato sida haddaba ay arrintu tahay, waxana arrintaas ka cadhooday Mudanayaasha reer Awdal oo u arka inay xaq u leeyihiin kursi kamid ah Shirgudoonka.

Ma ah Mudanayaasha Reer Awdal oo kaliya cidda iska diiday in mooshinkaasi socdo, waxase jirey in Xildhibaan Waabeeye oo kaw ka ah mucaariddada kasoo horjeedda Guddoomiye cirro uu isaga laftiisu ka cadhooday Mooshinkaas markii dambe, maadaama uu ogaaday in Guddoomiye Baashe meesha isku wado oo aan isaga waxba loo ogollayn.

Tallaabada  uu Guddoomiye Baashe ku doonayey Guddoomiyenimada, ayaa wax aka Biyo diiday Mudanayaal badan oo beesha dhexe kasoo jeeda, kuwaas oo doonaya inaan Beesha dhexe la dhaafinin Kursigaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed