|

Akhri Natiijada Xukun Maxkamad Islaami ahi Ku Ridday Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore Ee Maamulka Puntland

Taleex:Mar,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Maamul-goboleedka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, ayaa ay maxkamad islaami ahi ku ridday xukun ah inuu masuul ka yahay khasaaraha ka dhashay Dagaal ciidamo uu watay Ku laayeen Dad Shacab ah Deegaanka Taleex.

cali shirMaxkamaddan oo ay gacanta ku hayeen Wadaado dhinacyo arrintani ku dhaxaysay Kalsooni siiyeen, ayaa sheegtay  in falkii ka dhacay magaaladda Taleex 28-kii Sebtanbar 2013-kii dhibaatooyinkii ka dhacay ay geysteen ciidamada Puntland, khasaarahaas oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo mid maal uu dusha u ridanayo mas’uuliyaddeeda Jen. C/samad.

Goobta dacwaddani ka dhacaysay oo ku taalla duleedka waqooyi ee degmada Taleex ayaa loo diiday inay saxaafada goobjoog ka ahaato, inkastoo gaba-gabadii warfidiyeenka loo sheegay xukunkii halkaas ka dhacay.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ku hadllayay afka guddiga nabadeynta ee degmada Taleex ayaa sheegay in xukunka goobtaasi ka dhacay uu ahaa mid aan wax xifdhiidh la lahayn qabiil, mas’uuliyaddeedana la saaray Jen. C/samad Cali Shire iyo ciidamadiisii.

“Dadku si qaldan yaanay u fahmin xukunka maanta dhacay; sidaa darteed wixii dhacay maalintaas hadday tahay dadkii dhintay, kuwii dhaawaca iyo khasaanihii maaliyadeedba waxaa dusha laga saaaray. Jen. C/samad Cali Shire iyo ciidamdiisii,” ayuu yidhi Sheekh Siciid.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga nabadgalyada, Khadar Cali Jaamac ayaa isaguna gaba-gabadii sheegay in wixii dhiig ah loo saari doono guddi dhaqan; sidaasna ay maxkamaddu kusoo gaba-gabeysay.

Jen. C/samad Cali Shire oo goobta ku sugnaa kama keenin wax hadal ah xukunka wuxuus u  sheegay inaanu diidanayn xukunka uuna ka hadli doono markay u haboonaato.

Dhincyadii uu dhexmaray waxay sheegeen inay ku qanceen iyadoo horeyna loo dhaariyay guddiyada labada dhinaca inay ku qanci doonaan xukunnada lasoo saaro; waase jira dad dhaliilsan siiqada hadalka loo dhigay, halka qaarna ay ku tilmaameen deg-deg inuu ku jiray xukunka loona baahnaa in la is-raaciyo wixii la kala tabanayay.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha hawsha ka taagan degmada Taleex tmid ku soo dhamaantay xukunkan oo keliya, balse waa qayb ka mid ah, waxaana la rajeynayaa inay kasii socoto halkaas maadaama middii ugu horreysay lasoo gunaanaday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed