Akhri Magacyada Lix Nin Oo Somali ah Oo Lagu Xidhay Maraykanka Iyagoo u Socda DHinaca Kooxda Daacish
Minneapolis:April,21,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Dembi baadhista iyo dabagalka Maraykanka ee FBI-da, ayaa xabsiga dhigay lix nin oo soomaali ah, kuwaas looga shakiyey inay ku biirayeen Kooxda Daacish.
Afar ka mid ah raggan, ayaa waxaa laga qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, halka labada kalana laga qabtay Magaalada San Diego ee Gobolka California. Lixduba waxay deegaan ahaan ka soo jeedaan Gobolka Minnesota.
Bayaan uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa lagu sheegay magacyada raggan oo kala ah Mohamed Farah, Adnan Farah, Abdirahman Daud, Guled Omar, Hanad Musse iyo Zacharia Abdurahman.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in lixdaasi nin ay xidhiidh la sameysay Abdi Nur, oo lagu sheegay nin dhiirri-geliya dhalinyarada Reer Galbeedka, ee dooneysa inay argagaxisada ku biirto.
Andrew M. Luger, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota, ayaa sheegay in raggaasi hore looga horjoogsaday inay safar galaan, ay hadana isku dayeen inay dalka Mareykanka ka baxaan.
Sidoo kale Bayaanka waxaa lagu xusay inay raggasi damceen inay ka duulaan Garoomada New York iyo San Diego, ha yeeshee ay laamaha ammaanku ka hor istaageen.
Bayaanka, ayaa lagu xusay in raggasi ay damacsanayen in dalka Mareykanka ay kaga amba baxaan dokumentiyo been abuur ah, oo uu u samayn lahaa nin waxyaabahaasi ka shaqeysta, oo degan Magaalada San Diego.
Hay’adda FBI-da Mareykanka, ayaa 10-kii bilood ee ugu dambeysay ku daba joogtay lixdaasi nin, waxaana la fillayaa in Xeer Ilaalinta Gobolka Minnesota ay dacwad ku soo oogto, si Maxkamadi u wajahaan.
SDN/QJ