|

Akhri Magacyada Laba Siyaasi Oo Ka Cudur-daartay Qabashada Xilal Madaxtooyadu Usoo Bandhigtay Iyo Sababaha ay Cuskadeen

Hargeysa:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Jaah-wareerka Siyaasadeed  ee ka jira Madaxtooyada Somaliland, ayaa meel xun maraya, waxana guuldarro ku dhamaaday iskudayo kala dambeeyey oo lagu doonayo in lagu buuxiyo Boosas kasoo bannaanaaday Isku-shaandhayntii dhawaan madaxweyne Siilaanyo sameeyey.

beeshSida ay sheegayaan Ilo xog-gaal ah oo wargeyska Ogaal Helay ilaa iyo haatan waxa soo jeedimo xilal ah ka cudurdaartay laba siyaasi oo madaxtooyadu  codsiyo u dirtay.

Xogahaasi ayaa sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo uu u yeedhay siyaasiga Baashe Cabdi Gaboobe oo hore uga mid ahaa ururkii Qaran ee doorashadii madaxtooyada ee Siilaanyo ku guulaystay ka hor la bahoobay xisbiga Kulmiye, isla markaana ahaa madaxii kaanbaynka Kulmiye ee ggalbeedka dalka. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in madaxweynuhu Baashe Cabdi Gaboobe u bandhigay inuu doonayo inuu u magacaabo Gudoomiyaha machadka tababarka shaqaalaha dawladda, jagadaas oo uu hore u hayay Maxile Boqore oo dhawaan loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha hay,adda shaqaalaha dawladda, booskaa oo uu hore u hayay Nuux Sh. Muuse Ducaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii xilka laga qaaday isku shaandhayntii u dambaysay.

Wararku waxay intaa raaciyeen, in Madaxtooyadu u sharaxday Baashe Cabdi Gaboobe faa,iidada machadkaasi u leeyahay shaqaalaha dawladda iyo dhaqaale ahaan mashaariicda kala duwan ee ka shaqaysiiyaba. Hase yeeshee xogahaasi waxay tibaaxeen, in Baashe ka cudur daartay aqbalaada qabashada jagadaa, isla markaana uu diiday. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in Baashe uu jawaab ku bixiyay in aanuu ahayn waqtigani, xilligii ku munaasibka ahaa in la xasuusto, sidaa aawadeedna amintan aanuu u cuntamaynin xilkani. Baashe Cabdi Gaboobe oo ay walaalo yihiin gudoomiyaha wargeyska xidhan ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, hayb ahaan waxay isku reer yihiin gudoomiyihii hay,adda shaqaalaha ee xilka laga qaaday Nuux Sh. Muuse. Taasina waxa la filayaa inay tahay sababta xil dhiibistaa loogu soo bandhigay.

Dhinaca kale waxay xogahaasi sheegeen, in siyaasiga Aadan Muuse Jibriil, isla markaana ah qorraa uu ka cudur daartay qabashada jagada safiirka Somaliland ee Itoobiya, oo la sheegay in madaxweynuhu u bandhigay inuu doonayo inuu u magacaabo jagadaa, oo banaan tan iyo markii uu xilka iska casilay wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay Itoobiya Aadan Nuux Dhuule badhtamihii sanadkii hore. Aadan Muuse Jibriil ayaa dawladdii Rayaale u ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya UK, balse markii xukuumadda Kulmiye taladda la wareegtayba waa laga qaaday xilkaa. Aadan Muuse Jibriil siyaasadda, diblomaasiyada iyo qoraanimadda ka sokow, wuxuu leeyahay aqoon ciidan, waxaanuu xilligii soomaaliya ahaa kornayl ciidanka cirka ah, balse markiiba wuxuu u leexday dhinaca siyaasadda.

Dawladda Itoobiya oo ahayd saaxiibka koowaad ee Somaliland xilligii dawladdii Udub, ayaa intii xukuumaddani talada haysay la tilmaamaa inuu aad u daciifay, isla markaana dadka diblomaasiyada mandaqada isha ku haya ayaa rumaysan in dawladda Somaliland sabab u tahay dhaawaca kalsoonidii iyo saaxiibtinimaddii tiirka adag ku taagnayd ee ay la lahayd Itoobiya, isla markaana ay Itoobiya si taxadar leh ula socoto Somaliland intii xukuumaddan Siilaanyo talada haysay. Wasiirka Arr. Dibadda Somaliland Maxamed Biixi laftiisa ayaa la tilmaamaa inuu dhibaato badan ka muto difaaca dhaliilaha siyaasad ahaan wax u dhimaya macaamilka iyo wada socodka dunidda Somaliland xidhiidhka la leh, isla markaana waxa la tuhunsan yahay, in farafarayn iyo doc faruur saameeya arrimaha dibadda oo had iyo goor isla xukuumadda dhexdeeda kaga yimaadaa ay dhabar jebin ku noqdaan wasiirka iyo wasaaradda.

xigasho Ogaal

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed