|

Akhri Go’aanno ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Kasoo Saareen Xiisadda Ka Aloosan Dalka Yemen

Muqdisho:April:02,2015(SDN/QJ)-Dagaallada ka soconaya Dalka Yemen oo dhibtooda laga dareemaya Gudaha Somalia, ayaa waxa qoddobo kasoo saaray Hay’adda Culimada Somaliyed oo sababtiisa ku eedeeyey Xuutiyinta Reer Yemen.

weoBayaanka Hay’adda Culimadu soo saartay oo dhawr qoddob ka koobnaa, ayaa salka ku hayey in dagaalkaasi yahay fidno ay abuureen Xuutiyiintu, kaas oo meelo kale laga maalgelinayo.

Qoddobada ay soo saareen, ayaa waxa kamid ahaa:

1- Dhibka ka jira Yaman waxaa masuul ka ah kooxda xuuthiyiinta oo ka tallaabsaday wixii la isku ogaa una hanqal taagaya inay boobaan maamulka, dadka iyo dalkana u gacan galiyaan qorshaha is-ballaadhinta shiicada oo ay hogaaminayso Iiraan.

2- Hay’addu waxay cambaaraynaysaa fitnada iyo iska-horkeenka ay iiraan ka hurinayso dunida islaamka, siiba :Lubnaan , ciraaq , Suuriya iyo Yaman , waxayna ugu baaqaysaa in ay ilaahay ka baqaan ummadda muslimka ahna dhibka ka daayaan.

3- Hay’addu waxay soo dhawaynaysaa fikradda is-bahaysiga oo uu hogaaminayo boqorka sacuudiga ,waxayna rajaynaysaa in uu gun dhig u noqdo is-kaashi dhab ah oo difaaca diinta , danaha iyo sharafta ummadda muslimka ah.

4- Hay’addu ,ayadoo ka duulaysa khibradda ay u leedahay dhibka ka dhasha dagaalka, waxay ugu baaqaysaa xuuthiyiinta iyo xulafadooda in ay u dhaga nuglaadaan baaqyada nabadda, dalkana aysan ku shalwin buhosha burburka oo aan caymada lahayn.

Waa billaahi towfiiq

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed

Golaha Fulinta

Muqdisho- Soomaaliy

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed