|

Akhri 13-Qoddob Oo Madaxweyne Gaas Hordhigay Ra’isal Wasaaraha Somalia ee Martida u ah

Garowe:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Kulamo xaasaasi ah ayaa Ra’isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland uga Bilaabmay Magaalada Garowe, waxana labada dhinac isla gorfaynayaan sidii meesha looga saari lahaa shakiga iyo is afgaranaaga soo kala dhex galay Labada dhinac.

parWararka kasoo baxaya Aqalka Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in labada Masuul ku ballameen inay si daacad uga wada shaqeeyaan sidii xurgufta jira loo dhamayyn lahaa, isla-markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo kaqayb qaata horumarinta shacabka somaliyeed.

Madaxweyne Gaas oo isagu ah shakhsiga waxka tabanaya dawladda Federalka ah, ayaa isagu ku adkaysanaya inuu Ra’isal wasaaraha hortiisa ka sheego tabashada Maamulkiisu qabo, waxana uu ku dhirranayaa inuu dalbado sidii tabashadiisa wax looga qaban lahaa.

Ilaa iyo Haatan sida aanu warka ku Hayno waxa uu Madaweyne Gaas soo  hirdhigay Ra’isal wasaaraha Somalia Qoddoba dhawr iyo toban ah oo uu kaga cabanayo dawladda Federalka ah, waxana uu dalbaday in dhammaantood wax laga qabto.

Qoddobada uu waftiga ra’isal wasaaraha soo hordhigay, ayaa waxa kamid ah:

1-Ix-tiraam la’aan lagu hayo Maamulkiisa.

2-Faragalin joogta ah, iyadoona loo soo adeegsanaayo maamulada dariska la ah.

3-Dhaqaalaha laga soo qaada Caalamka oo lala baal-maro Maamulka Puntland.

4-Mushaharaadkii DFS ay u ballan qaaday Ciidamada Maamulka Puntland oo aan weli la bixin.

5- La-tashi la’aan iyo shirarka DF ee khuseeya Arrimaha Gobolada oo aan laga qeybgalin Puntland.

6- Hadalada colaadaha dhalin kara oo ay Madaxda DFS hawada u marinayaan Maamulka Puntland.

7- DFS oo cadaadin dhanka Siyaasada ah dul dhigtay Maamulka Puntland, iyadoona kasoo xidhidhay ilihii ugu badnaa sida QM iyo Dowladaha deeqaha bixiya.

8- Haddalo aan Puntland waxba ka Ogeyn oo ay DFS ka baahisay.

9- Warqadaha ka baxa Xafiiska Madaxweyne Gaas oo aan laga aqoonsaneyn Xafiisyada DFS, gaar ahaan kan Xasan sheekh.

10- DFS oo Galmudug ku bixineyso dhaqaale si meesha looga saaro Arrimaha Puntland.

11- Faragalin dhanka soo saarista Bitroolka ku jira Deegaanada Puntland oo ay DFS is hortaagtay, warqado arrintaasi khuseeyana u gudbisay Beesha Caalamka.

12- Awood qeybsiga oo lala baal-maray Maamulka.

13- DFS oo jartay Booqashooyinka Deegaanada Puntland iyo u kuurgalida xaaladaha ka jira.

Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo aan ka helnay xogta ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Gaas uu Ra’isulwasaaraha Somalia usoo bandhigayo Qodobadaasi, isagoona ku tilmaamay mid shaki galin karta inuu dib usoo laabto xidhiidhka DF iyo Puntland.

Waxaa cad in dhammaan eedeymahaas aysan dowladda la qabin Puntland, ayna Puntland xiisadda sii xumeeneysa. Cabdi Weli ayaa maalmo dhowr ah joogaya Puntland, waxaana la filayaa in dhammaan qodobadaas uu la faaqido Gaas

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed