|

Ajanabi Shaqo Doon ah Oo Si Xawli ah Ugu Soo Qulqulaya Magaalada Muqdisho

Muqdisho:Aug,24,2014(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa waxa Maalmahan lagu dhex armayey shaqaale Ajaanib ah oo aan hore u joogi jirin, kuwaas oo Hawlo shaqo u jooga Halkaas.

seoQaraxyo si joogto ah horraantii bishii ramadaan Magaalada uga baxay oo u badnaa kuwa turkiga ah ayaa haatan si xawli ah usoo laabtay, maadaama ammaanku u muuqdo mid kasoo raynaya oo ay dilalkii iyo Beegsashadii waxoogaa yaraadeen.

Shaqaalaha Turkiga ah ee Muqdisho hore uga Baxay ayaa intooda badani soo noqotay, waxana ay kasoo qaybgaleen doorashadii dalkooda ka dhacday, iyagoo haatan si xawli ah ugu  soo qulqulaya caasimadda Muqdisho oo ay shaqooyin kala duwan ka  hayeen.

Shaqaalahan cusub oo u badan dalka Turkiga ayaa waxa isaguna daba socda oo dhawaan dalka iman doona safiirka Turkiga Muqdisho u fadhi doona oo la sheegay inuu dalka kusoo wajahan yahay.

Dowladda Turkiga ayaa aad u garab taagan dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay wax u qabteen  shacab badan oo dhibaataysan.

Shaqaalaha Ajaanibta ah ee dalka ku sugan ayaa qaata lacago xad-dhaaf ah oo aanay dalalkooda ka heli Karin, waxana ay taasi keentay in dad badan oo ajaanib ahi ay nafahooda u biimeeyaan Halista ka jirta Somalia oo keeni karta inay naftooda ku waayaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed