Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani laantiisa Sweden oo qodobeeyay Fashilka xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo
Stockholm July 16,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka xisbiga Wadani laantiisa dalka Sweden Md Cantar Kidaar Cune ayaa dhaliilay isdifaaca Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo isla markaana nidaam qodabeysan u soo bandhigay fashilka Xukuumada.
Afhayeenka Wadani laantiisa Sweden oo nala soo xiriiray ayaa qoraalkiisu sidan u qoraa:
“hadlada is difaaca ah ee ka soo yeedhay madaxada uu sarsareeyisa xukuumada silaanyo kuwaaso uu eeg qaar aan macno badan la hayn dadkuna ayaa uu arkan hadalo aan meesha qabaan balse loga bahanyahay in aay ka so warbiixyaan halka dalku maryo . hada ba anaaga oo ah gaarbka xisbiga wadani ee dalka sweden waxa aan halkan ka sheegayiina in maanta aan lo bahanayniin in hadal uun la iska yidhahado, basle lo bahanyahay wax macquul ah ,waxa aan marka raba in ay xukuumadu dadka ka qaanciiso qodobadaan hoos ku xusaan ee kala ah sidan
A] hawadii dalka oo aan gacanta lagu hayn. weilba na xukuumado rabto in ay hawsha gacan ka siiyaan xisbiiyada muraacaridku. waa arriin ugub ah oo an hore lo arag
B] xuduudaha dalka oo xidhan iyo wasiirkii arrimaha dibada oo aan la socon ba. tasiina waa arrin kale oo inagu cusub
C] muwaadiiniinta dalka oo qaar na jeelasha la iskaga xidhayo. qaar na iyaga oo aan sharaciga lo so mariin wadamada jaarka ah lagu xidhxidhayo.halkana lagu xukuumayo
D] xorriyada saxaafa oo meesha ka baxaday sidii la doonaana laga yeellayo
E] wadaamada reer galbeedka oo ka deyrinya nabadgeylada dalka. taso ahaan jirtay ta kaliyata ee aynu ku faanii jirnay
F] muraanka xuduudaha gobollda iyo deegoomyiinka oo ay xukuumadu doonayiso in ay isku dhac kayimadaan. taso la garaneeyiin danta ugu jirta hogaanka dalka. tusale na ay uu tahay tii immika ugu danbeyisay ee SALAXLAY IYO HARGEYSA
G] shirrarka badan ee madmadowugu ku jiro ee ay la gelisyso shirrkaado aan sharci ahayn
dhamaan arriimahan oo dhami waxay caddeyn uu yihiin nidaam xumida xukuumada silaanyo .marka waxa aan leenahay shacabka ha laga qaanciiyo arriimaha kor ku xussa
waa aad mahasasantihiin dhaamantiin
Cantar Kidaar Cune
Afhyeenka Xisbiga Wadaani Laanta Sweden
Afhayaheenka Xisbiga Wadani L. Sweden 15/07/2014
aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga wadaani laanta sweden waxa aan raba in aan halkan wax yar ka idhahado hadlada is difaaca ah ee ka soo yeedhay madaxada uu sarsareeyisa xukuumada silaanyo kuwaaso uu
afhayeenka@outlook.com
Afhayaheenka Xisbiga Wadani L. Sweden