Agabkii Idaacadaha Shabelle iyo Sky Oo Nabadsugiddu Xalay La Wareegtay
Muqdisho:Aug,20,2014(SDN/QJ)–Saraakiil tiro badan oo uu hoggaamiyey Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Nabadsugidda somalia Cabdifitaax Shaaweeye ayaa Xalay soo rartay Agabkii ay ku shaqaynayeen Idaacadaha Shabelle iyo Sky ooh ore dawladdu U Weerartay wariyayaal iyo masuuliyiin kalena uga xidhay.
Ciidamadan ayaa markii ay soo galeen Xarunta Idaacada ku qasbay Shaqaalihii Idaacada ee gabaadka ka dhiganyey Xarunta Idaacada si aan loogu dilin Xaafadahooda haddii ay u hoydaan in ay raraan qalabka Idaacada oo aanay waxba ka tegin oo ay alaabta Xamaalaan iyagoo intaa kadib fuliyey amarkii la siiyey oo Qalabkii Idaacada oo dhan ku raray Gaadiidkii ay wateen NabdSugidda.
“waxaan fulinay Amarkii ay na siiyeen Nabad Sugida waxaan rarnay qalabkii Idaacadaha Shabelle iyo SKY waxaana ka buuxinay Baabuurtii ay wateen keliya waxaan laga tagay Kuraastii, Miisaskii iyo Joodariyaashii an ku seexanaynay“ ayuu yidhi Wariye ka tirsan Shabelle oo warbaahinta la Hadlay.
Cabdifitaax Shaaweeye ayaa markii uu soo galay Xarunta Idaacada waxaa wehliyey sarkaal la yidhaahdo Cabdi dheere ayey Shaqaalaha Idaacada waxa ay tuseen Warqad ka soo baxday Xeer Ilaaliyaha Cusub Axmed Cali Daahir ee dhawaan ay Magacaabeen Golaha Wasiirada Balse Magacaabistiisa ay Sharci darro ku tilmaameen Guddiga Adeega Garsoorka oo uu Gudoomiye u yahay Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Caydiid Ilka Xanaf warqadaas oo amraysa in nabad sugidda ay soo raraan dhamaan qalabka Idaacadaha Shabelle iyo SKY, lana soo xidho Shaqaalaha Idaahadaasi inkastoo aanay xidhin shaqaalihii.
Shalay ayey ahayd markii Idaacada shabelle ay Hawada ku soo noqotay muddo 5 cisho ah kadib, hasayeeshee saacado kooban oo ay hawada ku jirtay waxaa idaacada Hawada ka saaray Ciidamada Nabad sugida.
weli waxaa ku xidhan Xabsiga laga dayriyey ee Godka Jilacow iyadoo waaxani ay dhacayaan Sadex suxufi oo uu ku jiro Gudoomiyaha Shabelle Cabdimaalik Yuusuf.
SDN/QJ