Agaasimihii Waaxda Farsamada Wasaaradda Warfaafinta Oo Iscasilay, Wasiir Cukusena Ku Eedeeyey Inuu Baabi’iyey Sumcaddii Wasaaradda
Hargeysa:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Khilaafkii wasaaradda Warfaafinta, aya sii xoogaystay, waxana Haatan xilkii iska casilay Agaasimihii waaxda farsamada oo muddo dheer halkaas kasoo shaqaynayey.
Agaasime Axmed Saleebaan Weyne ayaa waraaqda iscasilaadiisa warbaahinta mariyey, waxana uu sabab uga dhigay khilaaf uu sheegay inuu wasiir Cukuse Bud-dhig u yahay oo wasaaradda la hadhay, isla-markaana aanay macquul ahayn in lagu sii jiro.
Sababta ugu weyn ee mudane Axmed Saleebaan Weyne isu casilay marka laga yimaaddo khilaaf isaga iyo wasiirka dhexmaray, ayaa uu ku sheegay tacaddiyo uu wasiirku si gaar ah ugu hayo Shaqaalaha, iyadoo la isku hayso awaamiir ka timi Masuuliyiinta TV-ga qaranka oo aanu Wasiirku shaqaalaha u ogolayn inay qaataan.
Laba maalmood ka hor ayey ahayd markii wasiir Cukuse shaqaalah wasaaradda Warfaafinta ku sheegay inay yihiin dad sirta wasaaradda faafinteeda ku foogan oo meelo kale u shaqeeya, taasoo muujisay sida wasiirku uga arradan yahay kalsoonida shaqaalihiisa.
Tan iyo intii ay xukuumadda Kulmiye dhalatay, wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqotay wasaaradda ugu muranka iyo isqabqabsiga badan, waxana iskasoo beddelay ugu yaraan Afar afar wasiir oo uu kan ugu dambeeyey haatan dhibaato ka haysato sii joogisteeda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com