|

Agaasimihii Hore Ee Cashuuraha Bariga Somaliland oo Ka Warbixyey Xaalad Cashuuraha Barriga Lixdii Bilood Ee Ina dhaafay

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – C/raxmaan  Jirbiir Cabsiiye  waa Agaasimihii hore ee cashuuraha Bariga Somaliland waxaanu wax ka weydiinay habsami u socodka miisaaniyad 2016 iyo halka ay marayso iyadoo la,galay lixdii bilood ee hore C/raxmaan oo arimahaasi ka waramayaa waxuu yidhi

 

Horta dakhigu waa uu wanaagsan yahay waana bil uu hoos u dhaco iyo bil uu kor u kaco wasaarad ahaan waxaa caado ah in hadii uu dakhligu iskeeno  lixda bilood ee hore ay soo baxayso dheeraad dakhli sanadkaasi

 

Hadiyo jeer labad lix bilood waxaa dakhli badan lixda danbe  waxaan lakale ogaandoonaa  juun marka ay dhamaato ,inuu dheeraad jiro iyo inuu dhinaansho jiro inkasta oo dalka sanadkan ay ka dhaceen abaaro baahsani

 

Wasiir wasaarad maaliyad marwo Samsam Cabdi Aaden  is looga kabsado waxay yaraysay kharashaad kii aan daruuriga ahayn

 

Habad marka aan eeno nidaamka shaqo ee Wasiirku waa mid la jaan qaaday koba xaalad uu dalku ku jiro waxaanan ku sifeeyaa ( iron laydy )

 

Mr C/raxmaan Jibriil oo aanu wax ka weydiinay iSbedelka Dekada Berbera iyo heshiiska DP World  is bedelka dhaqaale ee uu ku keeni karo cashuuraha bariga Somaliland ?

 

Horta maalgashigu waa mid muhiim u ah dhaqaalaha Somaliland cashuuraha bariga hadii aan eegno dhinac cashuuraha bariga waxaa ka soo gali kar 6% dhina shaqaalaha  10% wax kale iibsiga ama kharashka lagalo iyo macaashal macaashka sadex sadanadoodka dib oo boqolkiiba toban ah 10% waana in had heshiiska lagu daro

 

Hadab hadii heshiiskani yahay 442 milyan oo maal gashi ah waa mid mihiimadiisa leh hadii la balaadhinaayo 400m  halka ay markii hore ka ahayd 620m tan

 

Waa mid aan soo dhawey nayno hadii lisle helo balaadhintaasi  iyo teenii hore oo sideedii u shaqanaynaysa  iyo khibarad Eng Cali Cumar Maxamed Xoor-xoor oo mudo 23 sano ka badan soo maamulaayey gaadhsiiyeyna meesha ay maanta taagan tahay  waa inuu uu ku jiraa boodhka maamulaaya meesha maadaama uu cidkasta uga aqoon badan yahay

 

Gabo gabadii waxaan ku baaqayaa in Dekade  teenii hore noqto mid gaar u shaqaysa ta cusubna ay noqto mid inoo soo kordhay

 

Bushadan waxaan ugu baaqayaa in aan laga hordhicin dedaal kaasi loogu jiro horumarka hekad Berbera  ilaa inta aan helayno heshiiska rasmig ah oo qodob qodob ah.

Comments are closed