|

Agaasimihii Hore Ee Caafimaadka Somaliland Oo Geeriyooday

Hargeysa:May,07,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Xalay Cisbitaalka Guudd ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Allah ha u naxariistee Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland xilligii xukuumaddii Rayaale  Anwar Maxamed Cige.

anwarMarxuumka ayaa sida la sheegay xanuun kedis ah loo dhigay cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu saacado ka dib ugu geeriyooday sida ay sheegeen Ehelladdiisu.

Allah ha u naxariistee Anwan Maxamed Cige, ayaa Haatan kamid ahaa Xubnaha ugu firfircoon ee Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, waxana ahaa xubin firfircoon oo in badan farta ku fiiqa Boogaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhammaanba Bahda Qurbejoog.com oo isku duubani waxa ay tacsi u diraysaa Ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Anwar Maxmed Cige.

SDN/QJ-Hargyesa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed