|

Agaasimihii Dhugmantariyada ee Tvga Qaranka ee SLNTV Xasan Dhuxul (Laabsalaax)oo ku Sugan Magaalada Madaxda Somaliya ee Muqdisho

 

Muqdisho April 06,2014-(SDN/Rasmi) Agaasimihii Qaybta Dhugmantariga ee tvga afaka xukuumada ku hadla ee SLNTVĀ  Xasan Dhuxul (LAABSALAAX) ayaa si qarsoodiya ku tagay magaalo madaxda Somaliya ee muqdisho safarkan ayaa ah mid aan la shaacin inuu tagayo iyadoo aan lasheegin in ay casuumaad ka heystaan kooxaha fanaaniinta ee ka jira magaalada Muqdisho.
Warar Xogogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in ay xukuumada Somaliland dirtay iyadoo aanay shaacin sababta ay udirtay Xasan dhuxul Laabsalaax oo walaalkiisa ka waynina yahey Afhayeenka Madxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul .Wariyahayaga magaalada muqdisho hada noogu sugan Aways Cabdi Xaadow ayaa silama filaana loogu sheegay inuu Xasan iyo Dhowr xubnood oo la socdey oo aan la xaqiijin ay joogaan magaalada waxaanu la xidhiidhiidhay dadkii ka soo qaadey madaarka Muqdisho waxaana halkaasi ku qaabiley oo markiiba lageeyey Wasaarada Warfaafinta ee Somaliya iyagoo markiiba Qaabiley ,waxaana wariyaha ilo hoose usheegeen inuu Xasan Dhuxul u yimi howlo ay usoo dirtay Xukuumada Axmed Siilaanyo ee Somaliland iyo Madaxda Wasaarada Warfaafinta.
Isku soo wada Duuboo waa Markii ugu Horeysey ee Shaqsiyaad Meel sare ka heysta Somaliland ay si toosa Uga dageen magaalada Muqdisho iyadoo aanay xukuumaduna ka hadlin howsha ay udirtay ee xukuumadii ka horeeyey aanay udirijirin .Kala Soco wararka wixii Soo kordha……………….

Comments are closed