Agaasimayaasha Laba Idaacadood Oo Muqdisho Ku Yaalla Oo Maalintii Labaad Xidhan iyo Nusoj Oo Cambaaraysay
Muqdisho:13-Feb-2014(SDN)-Laba Agaasime oo Madax u ah Idaacado warbaahineed oo ka Hawlgala halkaasi, ayaa Maalintii Labaad Xabsiga ku Jira, iyadoo uu Ururka Saxafiyiinta Somaliyeed ee Nusoj ay si Kulul u cambaaraysay.
Agaasimaha Idaacadda Haatuf Ibraahim Yare iyo Agaasimaha Idaacadda Danan Fiyoore oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa ku Sugan xabsi halkaasi ku yaalla Halkaasi, waxana xadhigooda ka dambeeyey Hoggaanada Amaanka.
Labadan Agaasimiye ayaan wali la sheegin waxa lagu Haysto, waxana aan jirin warar faahfaahsan oo laga Bixiyey Xadhigooda.
Ururka Saxafiyiinta NUSUJ ee Soomaaliya ayaa arintaasi cambaarayay,waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo agaasimayaashaas dowladda u xidhan.
Xadhiga saxafiyiinta ayaa wax caadi ah ka noqday Guud ahaanba Geyiga Somalidu degto, waxana Meelo badan laga Soo Sheegaa Warar Dhiilo ku ah Madax-bannaanida warbaahinta.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com