Agaasimahihii Idaacadda BBC-da oo iska casilay shaqadiisii
London Nov11/12(SDN) Sida aan ka soo xiganay raadiyaha BBC-da ee dunida xaga warbaahinta ugu faca weyn waxaa si rasmi ah isu casilay Agaasimihii Guud ee BBC, George Entwistle.
Mr Entwistle waxaa uu xilka uga degey sida uu u maamuley war ay sii deysey BBC-da, barnaamijkeeda caanka ah ee la yiraahdo Newsnight oo laga baahiyo televishanada maxalliga ee BBC.
Barnaamijkaasi waxaa uu si qaldan ugu eedeeyey siyaasi hore oo British ah inuu ku lug lahaa tacadiyo dhanka jinsiga oo carruurta loo geystey.
BBC iyo barnaamijka Newsnight ayaa waxaa horeyba ugu socdey baaritaan xooggan oo la xiriira inay dhinac iska dhigeen baaritaan ku saabsan carruurta oo tacadiyo galmo ah lagu sameeyo, oo uu geystey Jimmy Saville oo ahaa weriye caan ah oo BBC ka tirsana.
Mr Entwistle waxaa uu sheegey inuu rumeysan yahay in weli BBC ay ku jiraan dad sharaf iyo karti badan leh. Guddoomiyaha Guddiga maamulka ee BBC, Lord Patten waxaa uu sheegey in Mr Entwistle uu u dhaqmey si sharaf leh.