|

Agaasimaha Tv-ga Qaranka Somaliland oo Aflagadeeey Dawlada Talada haysa ee Kulmiye oo Sheegey in uu Daaha ka Faydey Musuqmasuq Hadheyey Wasaradda Warfafinta Labadii Sanadood ee u Danbeysey.

Waxaan salaan diiran u dirayaa dhamaan umadda reer Somaliland meel kaste oo ay dunida dacaladeeda ka  joogaan, waxaan kaloon salaamayaa dhamaan bahda saxaafadda meel kasta oo ay joogaan. Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan u iftiimiyo shacbiweynaha reer Somaliland Fadeexadaha iyo musuqmaasuqa uu ku sheegey xukuumada talada haysa ee kulmiye mudadii 2 sano iyo badhka aheed,Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta  Somaliland Iyo Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Cali Gaas,Iyaga faanfanaya ayeey  soo hor fadhistey  Warbaahinta una sheegaya dadaal ay Sameeyeen awgeed in ay baajiyeen lacago badan oo Telefiishanka Qaranka kaga bixi jirey mushahar Iyo Satelite-ka laga dheehdo Tv-ga Qaranka Somaliland oo been abuur ahaayd lacagtaana la xadi jirey dadkii xadi jireyna aanu hayo maxkamada qarankana aanu u gudbiney ,Hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa keeney in uu khadar gaas ku dhaqaaqo arintan  isaga oo uu garab fadhiyo Agaasimaha guud ee warfaafintu , su,aasha kale ee dadku isweydiinayaan ayaa ah hawshan  yaa u dirsadey khadra gaas.

Maareeyaha khadar gaas oo hadalkiisi sii wata ayaa waxaa uu yidhi waxaanu qaranka u badbaadinay Oo aanu joojinay lacag badan satalaytka lagu lunsan jirey, lacagtaas oo ahayd mid aynaan qaran ahaan qaadi karin,  waxaanu dib u samaynay heshiis cusub oo u dhaxeeya Dawladda Somaliland iyo Shirkada Thaicom, heshiiskaas hore ee Qaranka dhibta ku hayey waxa Saarnayd oo ka badbaaday $ 24000 Oo Doolar, Halka Lacagta Shaqaalaha Debedda lagu Lunsan jiray lacag dhan $ 13000. Lacagta aanu Miisaniyada ka reebanay ee shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray waxay dhan-tahay $ 240,000, Lacagtaasi waxay ahayd tii khilaafka badani ka dhashay ee aad inta badan maqasheen,waxaa kale oo uu sheegey in uu badbadiyey  Lacag dhan $ 98000.

Waxaaynu ognahay in wasaradda warfaafinta Somaliland uu baadhey laba jeer hanti-dhowrka guud ee qaranka Somaliland   labadii jeer  uu mar xidhey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Tv-ga Qaran Maxkamadna loo gudbiyey markii danbana waxba lagu waayey ,markii danbena ee uu hanti-dhowrka guud ee qaranku ku soo laabtey wasaradda warfaafinta uu hor joogsadey Boobe Yusuf ducaale oo ah wasiirka ku cusub xilkaa mudo 3 bilodnaya joogey wakhtigaa  oo diidey in mar labad la xidho muwadanka Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Tv-ga Qaran oo maxkamadi waxba ku weydey  waana ta keentey in  wasirka Boobe in xilka laga xayuubiyo iyo muran dheer oo ilaa hada socda.

Waxaa meesha ka muuqda in uu afhayeenka madaxtooyada uu wali daba socdo  Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Tv-ga Qaran iyo agaasimihii hore warfaafinta faysal sheikh oo colaad aad u weyni kala haysatey imikana loo soo adeegsadey khadar gaas oo aan laheen khibrad aad u badan iyo caqli badan.

Somaliland waxay ku soo nabad iyo caanoba maashay tallo wadaag iyo wadatashi ku dhisan cadaalad iyo kala danbayn, hadaba inkasta oo Madxweyne Siilaanyo uu yahay Madaxweyne ay shacabka Somaliland si dimoqraadiyda ah u soo doorteen, hadana waxa muuqata in uu si badheedh ah ugu takri falay masuuliyaddii iyo maamuuskii sharafta lahaa ee qaranka iyo tiisii madaxtinimoba  Waxaaynu ogsoonahay in mareeyahan cusub ee London laga soo kireystey in la doonayo in lagu karbaasho niman badan oo dawlada ku jira,Somalidu waxaay ku maahmahda geelow daq markaad ciin daqdaa lagu yaaba,

Markaan dib u yara jaleecno Agaasimihii hore ee wasaradda warfafinta Somaliland mudane Faysal Ali Sheekh markuu xulanayey ama shaqaalaha qoranayey slntv xaruntiisa London in aanu ku xulan aqoontooda ee uu ku xushey reer ahaan iyo garasho qofnimo taasina ay tahay ta keentey in uu telfishinkii qaranku wax hore mar ah sameen waayey, Mareeyaha oo sheegey in uu daaha Ka feydey musuqmaasuq hadheyey Wasaaradda Warfaafinta labadii Sanadood ee u Danbeyey iyo mudadii uu joogey Agaasimaha Warfaafinta Mr Faysal ali sheikh sheekadanina ay daba socoto masuulka imika jooga agaasimaha arimaha dibada sababta keentey in fadeexadan la soo badh dhigo hada ama nin aan hanti dhowr aheen yidhaa lacag la cuni jirey ayaan heley waxaay tahay ,waxaaynu ogeen mudooyinkan danbe in siyaasadii arimaha dibada Somaliland in ay yara jiha wareertey ,beesha madaxweynaha Somaliland ay tidhaa meelkasta anaka ayaa joogeyna sida UK ama UAE oo uu faysal si adag uga Hadley sheegeyna in aaney dawlada Somaliland cid aaney soo magacabin sheegan Karin ,xilkiina ay ka qaadeen marwada sheegan jirtey in ay tahay wakiilka Somaliland u fadhiya UAE Isla markaana sheegey in aaney dawlada Somaliland magacaabin wakiilka qurba jooga Somaliland ee UK ama YURUB toona  ninkaasina uu isagu is magacabey hawl Somaliland u taalana aaney aheen,taasi waxaay ka cadheysiisey dad badan oo beesha uu ninkaasi ka soo jeedo ,hadaba si looga aar goosto agaasimaha arimaha dibada Somaliland ayaa arintan loo soo dhiibey khadar gaas oo ay isku beel yihiin ahna ninka shaqada qorey khadar gaas. Hanti dhowrkii qaranka Somaliland ayaa waxaa loo gudbiyey sheekadii   mar 3 la soo abuurey ee ka horeysey khadar xasan gaas ee aanu waxba ka ogeen ,dibna maxkamada lagu soo sarayaa shaqaale badan oo la doonayo in meesha laga eryo iyo sheekadii la damiyey in dib loo soo faqo oo fowdo kale meesha ka aloosanto.Dhinaca kale tv-ga qaranka xaruntiisa London kharashka ku baxaya kumaankunka bound iyo wax soo saar la,aanta baahsan miyaanu arkeen taasi,maxaa looga dhigi waayey sida wakiilka tv-ga qaranka u jooga burco ,gabiley ,boorame oo kale ileen studio uma baahne lacagta ku baxaysa wey dhigmi laheed ama wax kale ayaa lagu qaban lahaa.

Maareeyaha Tv-ga qaranka khadar gaas ayaa waxaa uu ka Hadley xaflad ay soo abaabuleen haween ka yimid London oo ay hor kaceyso marwo yurub iyo marwo maryan osman indhoole oo wada barnamij ay lacag ugu uruurinayaan dhakhtarka burco lana doonayo in Tv-ga qaranka lacag looga tabaruco waana barnamij ay soo wadan kana bixi doona Tv-ga qaranka dhawaan ayaa waxaa uu yidhi isaga oo dadka majara habaabinaya ayaa

waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay bahda TV-ga qaranka ama wasaaradda warfaafinta waxaanu sanadka cusub ee 2013-ka qorshaynay, in aanu bulshadeena si joogto ah ugu baraarujino barno aqoonta iyo sida loola dhaqmo iyo sidii caawimo wada jir ah loogu gaysan lahaa dadkeena qaba xanuunka dhimirka oo maanta siyaabo kala duwan ugu dayacan guud ahaan magaalooyinka Somaliland.

Marwo yurub oo ah la taliyaha Tv-ga qaranka Somaliland ayaa waxa ay tidhi “Kulanka ama casho sharaftan aanu isugu kiin yeedhnay waxa ay u jeedadiisu tahay in aanu idinku baraarujino dhibaatada haysata ummadeenii jilicsanayda. Wax kale oo aanu doonaynaa in aanu sanadka cusub ee 2013-ka ay bulshada Somaliland guddo iyo dibadba ay ku baraarugaan sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa jilicdasan ee dhimirka waxka qaba iyo ubadkaa ay dadkoodii awoodi waayeen in ay dibadaha ka xareeyaan, waxaanu soo marnay xarunta ama dhakhtarka dhimirka ee Burco iyo Yaroobe waxaanay noo sheegeen in dadka ay baabuurtu jiidhaa ay u badan yihiin dadka maskaxda ka xanuunsanaaya ee waddooyinka tuban ee aan haysan cid xanaaneysa oo xaraysa.

waxaan hadalkeygii ku soo koobayaa Fadeexada uu kula kufey khadar gaas madaxda dalka iyo xisbiga talada haya ee kulmiye waxaa looga fadhiyaa cadeynteedi oo buuxda.

 

M Ahmed

Dharaaro88@hotmail.com

 

Comments are closed