|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo Warbaahinta Gudaha iyo Ta Caalamiga ah ku Bogaadiyay Tebintii Xuska 18 May

Hargaysa 21.May (SDN)  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta Saxaafada dalka iyo ta Caalamiga ahba ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen Xuskii 22 Guuradii ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland.

Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Agaasimaha Guud ayaa u dhignaa Sidan :-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay dhammaan bahda Saxaafadda Maxaliga  uga mahad celinaysaa kaalintii Tognayd  iyo Hanaankii Hufnaa  ee ay u tabisay Munaasibadii  22 guuraddii  ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May oo shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay u damaashaadayeen maalmihii la soo dhaafay.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku bogaadinaysaa  warbaahinta dalka qeybaheeda kala duwan sida Idaacada, Telefishanada SLNTV, Horn Cable TV,Somaliland Space Chanal, Bulsho TV, Wargeysyadda iyo Mareegaha Internet-ka sida  xilkasnimada ah ee ay u weyneeyeen munaasibadihii 22 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland, waxaanay qaateen doorkii iyo kaalintii laga filayay ee waddanimo iyo dal jacayl dhab ah.

Sidaas si la mid ah waxaanu ammaanaynaa sida Warbaahinta caalamiga ahi ay uga qeyb qaadatay munaasibaddii 18-ka May. Waxa si weyn quluubta qaranka Somaliland soo jiitay warbixinihii Telefishanka caalamiga ah ee AL-JAZIIRA sii daayay  oo  uu si qoto-dheer ugaga taariikheeyay munaasibadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay.

Waxa kale oo iyana aan u mahad celinayaa  Telefishanadda UNIVERSAL toos u baahinayay xafladihii lagu xusayay 22-guurada madax-banaanida Somaliland iyo Somali Chanal oo barnaamij dheer oo qiimo leh ka sameeyay munaasibadan. waxaanay si mug leh caalamka ugu bandhigeen jawigii ay u dhaceen xafladihii dabaal-dega qaranka Somaliland.

Waxaanu wasaarad ahaan shacbiga iyo qaranka Somaliland sanadkan sanadkiisa kale ILAAHAY  ka baryaynaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed