|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Somaliland oo Guddoomiyay Shir Caalemi ah oo Canada lagu qabtay(DAAWO SAWIRADA)

Montreal June 29,2012(SDN)-Agaasimaha Guud ee wasaarada Duulista iyo Hawada Md Axmed Dalal Faarax ayaa maalinimadii shalay magaalada Montreal ee dalkan Canada waxa uu ku shir guddoomiyay shir caalemi ah oo ay yeesheen guddida wadaaga ah ee hagida Hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddidan oo ka kooban ha’yada caalemiga ah ee sahanka Hawada ICOA,Ha’yada Qaramada Midoobey ee UNDP,Dawlada KMG ah ee Soomaaliya,Maamul Goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyada Somaliland.

Shirka waxa goobjoog ku ahaa Xoghayaha guud ee ICAO Raymond Benjamin,Agaasimaha xiriirka farsamada ee ICAO Mr Ivan Galaniyo ku-xigeenkiisa Mr Peter Noad.

Guddidan Hagida oo kulankoodii Shanaad yeeshay shalay ayaa waxa aan kulanka aan ka soo xaadirin Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kualnkii shalay ayaa dhinacyadu uga wadahadleen qodobo ay ka mid yihiin dib u eegid iyo qiimeyn lagu sameeyo mushaharada shaqaalaha Ha’yada ee Soomaalida ah.

Sidoo kale waxa Guddidu sii anba qaaday qodobo ay ka mid yihiin sidii loo anba qaadi lahaa hawlaha ku xeedhan sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay ula wareegi lahaayeen milkiga hawada labada dal.iyo qodobo kale oo faro badan.

Shirkan Taariikhiga ah ee lagu qabtay xarunta Ha’yada ICOA ee uu shir guddoomiyay Agaasimaha Guud ee wasaarada Duulista iyo hawada Md Axmed Dalal Faarax ayaa ku soo dhamaaday is afgarad.

 

SDN-Montreal

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed