|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista oo Sheegay in Madaarka Caasimada uu ka Xidhan yahay dhinaca Shirkadaha diyaaradaha oo aan isu diyaarin

Hargaysa 26.Aug 2013 (SDN) Agaasimaha Guud  ee wasaarda Duulista Hawada Mud, Axmed dalal Faraax, ayaa maanta  shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa  ku qabtay ku tilmaamay midaanay waxba ka jirin,hadal ay dhawaan  qoreen wargaysyada dalka ka soo baxa qaarkood,oo ay ku sheegeen,in  Diyaaradihii  ka soo degi lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport  ay u baaqdeen qabyo garoonka ka jirta awgeed.

agaasimaha guud ee duulista hawadaAgaasimaha Guud waxa uu sheegay,in Garoonku dhan yahay  Madaxweynuhuna uu furay, hase ahaatee  shirkadaha Diyaaradaha xagood  ay ku xidhan tahay  waqtiga ay garoonka ka soo degayaan,waxaanuu   xusay in shirkadaha dayuuraduhu ay  ku jiraan diyaar- garow ku saabsan sidii ay duulimaad-yadooda  ugu soo wareejin lahaayeen inay ka soo degaan garoonka , balse Garoonku uu dhan yahay una furan yahay dayuuradaha ka soo degay.

Mud,Axmed dalal waxa kale oo uu sheegay,in Maanta ay u soo Gudbisay  wasaaradda qor-shaheeda duulimaad ee ay kaga soo degi lahaayeen Garoonka  Shirkada  Dayuuradaha ee Safaari oo duulimaad-yadeedu noqon doonaan kuwo ay ugu kala gooshayso  caasimada  Somaliland ee Hargeysa iyo  Caasimada dalka Kenya ee Nayroobi,waxaanuu sheegay in  duulimaadkeedkeedii  ugu horeeyey ay maanta ku timid  Garoonka Egal international airport.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed