|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha oo Magaalada Hargaysa ka furay Kulan lagaga Hadlayo doorka dhalinyarada ee Siyaasada dalka.

Hargaysa 15.Jan(SDN

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee JSL Md Mustaffe Maamed Qodax ayaa maaanta tababar ku saabsan dardargelinta doorka ay dhalinyaradu ku leedahay isku xidhnaanta bulshada u furay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaha dalka qaarkood,Magaalada Hargaysa.

Md Qodax oo ka hadlay munaasabadda lagu furay aqoon is weydaarsigaas ayaa sheegay in ay ugu talo galeen in lagu ogaado halka ay marayso xaaladda dhalinyarada dalku ka dib sida uu Xusay waxii ka dambeeyey tan iyo markii ay golayaashu ansixiyeen xeerkii ka qaybgalka siyaasadda ee dhalinyarada.

Dhalinayarada ka qayb gashay aqoon is weydaarsigan ayaa ka kala socday xarumaha wasaaraddaha dalku ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Hargaysa.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

 

 

Comments are closed