|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Degmada Gar adag

Gar adag 15.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Md Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo wefti wasaaradiisa ka tirsan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada gar-adag ee Gobolka Sanaag.

Agaasimaha guud oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan Agaasime waaxeedada ciyaaraha iyo dalxiiska ee wasaradaasi Md Maxamed Nuux Jibriil iyo Md Maxamed Ibraahim Diiriye ayaa ujeedada socdaalkoodu waxa ay ku saabsan tahay sidii ay uga qayb geli lahayeen furitaanka tartanka koobka kubadda cagta ee nabadda oo ah koob ay ku tartamayaan shanta degmo ee kala ah Gar-Adag, Caynabo, Ceel Afweyn, Xuddun iyo Oog.

Warku Waxa uu Intaas ku darayaa in  Dadweynaha degmada gar-adag oo ay horkcayeen Mayorka magaaladaasi Faarax aadan Ciise iyo isuduwaha ciyaaraha ee degmadaasi Md Maxamuud Xirsi cabdi ayaa soo dhoweeyey weftiga ka tirsan wasaradda ciyaraha ee Soo gadhay degmada Gar adag oo uu ka socdo Tartan Ciyaareed.

Gar adag SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed