Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka oo Xilkii kala wareegay agaasimihii hore ee Wasaaradaas
Hargaysa 16.July (SDN) Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Agaasimahii guud ee Hore Md Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey)
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta wasaaraddasi ayaa Marwo Nimco Xuseen Qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka oo labada mas’uul xilka u kala wareejisay waxay faahfaahin ka bixisay hanaanka ay wasaaraddu u shaqayso iyo qaab dhismeedkeeda.
Dhankiisana Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradasi Md Cabdi Gurey oo hadda ah Agaasimaha guud ee wasaaradda Wershedaha ayaa halkaasi ku soo bandhigay waxyaabahii wasaaradda u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxana uu ka mahadceliyey qaabkii wanaagsanaa ee ay shaqaalaha wasaaraddu ula shaqeeyeen.
Agaasimaha guud ee cusub Dr Cismaan Xuseen Warsame oo isna ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ayaa sheegay in isagoo kaashanaya aqoonta uu u leeyahay shaqada caafimaadka uu ku talo jiro inuu waxqabadkii socday sii labanlaabo, inkaastoo uu sheegay in xil gudashada isaga iyo wasiirka cusub ee wasaaraddu ay ku xidhnaan doonto hadba sida ay wada shaqayn uga helaan bahda caafimaad ee Somaliland iyo shaqaalaha wasaaradda ee ku kala sugan Gobolada iyo degmooyinka Dalka. halka sidoo kalena ay halkaa ka hadashay Haweenayda madaxa ka ah Xafiiska hay’adda WHO ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan.
Sidoo kale Agaasimihii Guud ee Wasaarada Ciyaaraha ee Hore ayaa isaguna isla Maanta Xilkii Wasaaradaasi ku wareejiyay Agaasimaha Cusub ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u magacaabay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com