Afhayeenkii Xisbiga Ucid oo Shaaciyey inay Wada Hadal kula Jiraan Labada Xisbi ee Waddani Iyo Kulmiye Kadib Khilaaf soo kala dhex galay Garab uu hogaamiyo iyo Gudoomiye Faysal DAAWO
Hargaysa 11. September 2017 (SDN/QJ):- Maxamed Xasan Khayre Shabaash oo ahaa Afhayeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid isla markaana hogaaminaya Garab uu sheegay inay ka go’een Xisbiga Ucid ayaa ka hadlay sababaha ay isku seegeen Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada madaxweyne ee Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
Maxamed Xasan Khayre Shabaash waxa uu sheegay in Garabkoodan lagu Magacaabo ‘’Garabka raadinta Guusha qaran’’ kaas oo ka Kooban shan gobol iyo Xubno dibada ah oo isugu Jira Golaha dhexe iyo Guddida fullinta Waxa uu xusay in qodobka keliya ee maanta u hadhsani uu yahay Go’aan qaadashadii halka ay ku biirayaan.