Afhayeenkii Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Daahir Axmed Faarax iyo todoba ruux oo kale oo xabsiga laga sii daayay
Jabuuti April 11,2013(SDN)-Waxa maanta xabsiga laga siidaayay siyaasiyiin mudo xabsiga ay ku heysay xukuumada Jabuuti ka dib doorashooyinkii Baarlamaanka ee Mucaaridku netiijooyinkooda ay qaadaceen.
Afhayeenka dalada USN Md Daahir Axmed Faarax iyo ilaa todobo kale oo ka mida axsaabta mucaaridka Jabuuti ayaa ay xukuumada Jabuuti xoriyadoodii u soo celisay.
Xukuumada ayaa weli xabsiga ku heysa sadex ka mida wadaada reer Jabuuti ee caanka ah.
Wadaada oo dhaliilo u jeediyay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ay maxkamadi ku riday xukun laba sanadooda.
Afhayeenka USN ayaan weli saxaafada uga waramin xariga labada bilooda ee ay xukuumada Jabuuti ku riday.
Jabuuti ayaa waxa intii ka danbeeyay doorashooyinkii Baarlamaanka ka jiray xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay natiijadii ay xukuumadu ku dhawaaqday.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com