|

Afhayeenka Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaruhu ay ku kala bixi doonaan Sharciga

Muqdisho 16.Nov 2013 (SDN)- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta quseysay khilaafka labada mas’uul ee dowladda isagoona tilmaamay in arrintaasi aysan aheyn mid wax u dhimi karto hanaanka shaqo ee Xukuumadda Soomaaliya.

ridwaanAfhayeenka ayaa xusay in uu jiro khilaaf baaxad leh balse uu yahay khilaafkaasi mid xal deg deg ah laga gaari dooni qaabkii labaro haloo xaliyee isagoo qeexay in sharci uu u yaallo dalka kaasine uu yahay midka lagu kala baxayo markii uu yimado is afgarad la’aan.

Ridwaan Xaaji oo ah afhayenka Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee ka mid ah xukuumada Somalia ee ka hadla khilaafka madaxda dalka .

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadal haya khilaafkan soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta dalka iyo cadaadiska madaxweynaha ee ku aadan inuu xilka ka dego ra’isul wasaaraha dalka .

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed