|

Afhayeenka Mucaaridka Jabuuti oo mar kale Xabsiga la dhigay iyo sababha dhabta ah ee loo heysto

Jabuti April 29,2013(SDN)-Afhayeenka dalada mucaaridka ee dalka Jabuuti ayaa xabsiga dib loogu celiyay ka dib kolkii ay xukuumada Jabuuti dib u soo celisay eedo hore uu ugu soojeediyay taliyaha ciidamada dalkaasi.

Xukuumada Jabuuti ayaa hore ugu eedeysay in Daahir Axmed Faarax uu hore aflagaadeeyay taliyaha ciidamada Jabuuti Gen Zekeria Sheikh Ibrahim.

Xukuumada Jabuuti  ayaa hore ganaax lacageed uga qaaday Afhayeenka USN balse haatan mar kale sheegtay in sla dacwadii hore dib loo soo celiyo oo ganaax hor leh uu bixiyo afhayeenku.

Afhayeenka USN ayaa laga soo xigtay in uu diiday in la bixiyo ganaaxan danbe ee ay xukuumada Jabuuti dul dhigtay.

Mucaaridka Jabuuti ayaa dhawaan ku dhawaaqay golle Baarlamaan oo ay mucaaridku u badan yihiin,halka xukuumada Jabuuti ay hore u shaacisay xildhibaano ay sheegtay in ay ku guuleysteen doorashooyinkii Baarlamaan ee dalka ka dhacay bishii labaad ee sanadkan.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed