|

Afhayeenka Mucaaridka Jabuuti oo Dhameysatay Xadhigiisii labada Bilood ahaa

Jabuuti Aug 15,2013(SDN)-Afhayenka Dalada Mucaaridka Jabuuti ku bahoobeen ee USN Daahir Axmed Faarax ayaa Xabsiga ka soo baxay ka dib kolkii u dhameystay xadhig laba Bilood ah oo ay maxkamadi ku riday.

Afhayeenka Dalada Mucaaridka ee Jabuuti ayaan saxaafada la hadal balse waxa ay ilo wareedyo ku dhawi ay sheegeen in uu xabsiga mudadii uu ku jiray uu Xukuumada Jabuuti kala kulmay cadaadis faro badan.

Xabsiga uu Daaf ka soo baxay iyo waxa isku soo beegmaya Xukuumada Jabuuti oo wadahadaladii ay mucaaridka la laheyd dib u furmay.

Md Daahir Axmed Faarax ayaan ka qeybgelin kulankii u horeeyay ee ay yeesheen mucaaridka Jabuuti iyo Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa iyana Jabuuti la isla dhexmarayaa in Afhayeenka dalada USN ee ay ku bahoobeen ururada mucaaridka dalkaasi aanu ku kalsooneyn wadahadalada Xukuumadu u furtay mucaaridka.

Si kastaba ha ahaatee waxa wadahadalada caqab ku noqon karaya afkaarta kala qeybsan ee mucaaridku ku wejahayaan wadahadalada iyo kala qeybinta xukuumadu ay damacsan tahay.

SDN-Jabuuti
contct@somalidiasporanews.com

Comments are closed