Afhayeenka iyo Baarlamaanku: Ha Xasuusiyeen Madaxwaynaha In Dastuurku Ahayn ‘La Joojiyo Banaan, La Jiifiyo Banaan’
Waxaa bishu markay ahayd May 7deedi iyo 8deedi, 20014, ku soo baxay labo qoraal oo isdabajoog ah oo aad isdhahayso waa dhoolotus muujinaaya in Madaxwaynahu musharax u yahay ama rajo ka qabo in mar kale la doorto, waa marka ay dhacdo doorashada 2016 (waa ninkuu ALLAH) gaarsiiyo.
Labdaas qoraal oo kusoo baxay Radio Muqdisho, waxaa ka mid ahaa mid ka hadlaayey socod lugeed uu madaxwaynahu ku maray qaybo ka mida magaalda Muqdisho oo uu cinwaankiisu ahaa: “DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Socod Lug Ah Ku Maray Qeybo Ka Mid Ah Caasimadda Kadib Soo Dhaweyntiisa” iyo mid uu kusiiyey jawaab xildhibaanadii ka codsaday in madaxwaynahu iscasilo oo uu cinwaankiisu ahaa: “Madaxweyne Xasan Sheekh “ Halla soo maro waddada saxda ah ee Dastuurkeenna tilmaamayo”
Inkastoo qoraalada laga ay u muuqdeen in madaxwaynahu dadwaynaha xasuusinayey, waa qofkuu ALLAH gaarsiiyee, uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo, laakiinse uu xildhabaanada ka codsaday in ay usoo maraan dastuurka u degsan dalka. Waxaase layaab leh in maanta markii isagii ay dhaliishii waxqabad la’aanta ahayd oo uu ku eedeeyey Ra’isal Wasaare hore Sa’id ay ku cadaatay, in uu naf moodo adeegsiga dastuurkii uu dhamaystirkiisa uusan xilwayn iska saarin ilaa hada sida laga dhadhansadey qudbadii uu ka jeediyey magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.
Sidoo kale, halkaas waxaa laga dareemi karay in madaxwaynahu uu markuu rabo isticmaalo dastuurka, isaga oo isla markaana dhamaystirkiisa sida qaybta dowlada goboleedyada uu ka gaabsaday ama ka horimaaday, sida laga dareemayey wararkii la isla dhexmarayey waqtigii ay socotey waanwaantii Jubbaland iyo Dowlada Federaalka.
Aan usoo noqdo qoraaladaas soo baxay taariikhda kor aan ku xusay, waxaa ku jiray sawiro aad u faro badan oo muujinayey socod lugeedkii uu madaxwaynaha ku maray qaybo ka mida magaalada Xamar, kuwaasoo aad arkaysay dad badan oo isaga la socday sida askartii ilaalada u ahayd ama madax la socotey, halka ay sawiradu muujinayn dad aad faro badan oo jidadka taagan.
Waxaa aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalda Minneapolis, ee MN – junlay99@aol.com