|

Afhayeenka Dalada Mucaaridka Jabuuti Daahir Axmed Faarax oo mar kale xabsiga la dhigay

Jabuuti May 24,2014(SDN/QJ)-Xukuumada Jabuuti ee dagaalka siyaasadeeed kula jirta mucaaridka dalka ayaa mar kale xabsiga dhigatay masuul sare oo ka tirsan dalada mucaaridka Jabuuti ee USN.

Xukuumada oo hore tiroba dhawr jeer xabsiga Gabood u dhigtay Afhayeenka Dalada Mucaaridka Jabuuti Md Daahir Axmed Faarax oo DAAF loo yaqaano.

Ma cada sababta ay xukuumadu ku maagtay masuulkan sare ee ka tirsan madaxda sare ee dalada Mucaaridka isla markaana ah madaxa xisbiga MRD ee dalkan Jabuuti laga mubnuucay.

Daahir Axmed Faarax ayaa hore dalka uga maqnaa sanado badan ka dib kolkii culeys iyo cadaadis faro badn oo uga yimi xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle awgeed.

Si kastaa ha ahaatee taageereyaasha dalada mucaaaridka Jabuuti ee USN ayaa haatan bilaabay dedaalo lagu cadaadinayo xukuumada Jabuuti si ay xoriyadiisa uGu soo celiso Md Daahir Axmed Faarax.

SDN/QJ-Jabuti

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed