|

Afhayeenka Barlamaanka Somalia oo warbixiyay Safarkiisa Talyaaniga

16,Apr.2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Golaha Shacabka ee Somalia Md.Maxamed Cismaan Jawaari,ayaa ka xog-waramay kulano uu la qaatay Saraakiil Sare oo ka tirsan Dawladda Talyaaniga.waxa uu Gudoomiyuhu sheegay inuu la kulmay madax kala Duwan oo ay ka mid ahayd Gabadha Gudoomiyaha ka ah Aqalka Hoose Baarlamaanka Talyaaniga.waxaana uu xusay inay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan iyo sidii laysu dhaafsan lahaa Wafdiyo ka kala socda labada Gole shacab oo iskaga gudba Talyaaniga iyo Somalia,si ayuu yidhi loo kala qaato Aqoon korodhsi iyo wixii laba dhinac midba ka kale ku dhaamo.

Waxaana uu intaas raaciyay inay isla afgarteen sidoo kale sidii si deg deg ah uu talyaanigu u furan lahaa Safaaradiisii Magaaladda Muqdisho oo xidhnayd tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Dawladii dhexe ee Somalia ee Hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Waxaana haatan la filayaa sidii loo saari lahaa Gudi wada-jir ah oo ka shaqaysa sidii loo hirgalin lahaa arimihii labada dhinac ay isku afgarteen

Waxa sidoo kale oo Md.Jawaari,ka dhawaajiyay inay Magaaladda Muqdisho ay iman doonto  Haweenayda Afhayeenka ka ah  Aqalka Hoose ee dalka Talyaaniga.

Si kastaba ha ahaatee Dalka Talyaaniga oo hore u Gumaysan jiray Somalia,ayaanu muuqan wax kaalin ah oo ku leeyahay  arimaha Somalia.dad badan oo Siyaasadda Falanqeeyaana waxay is weydiiyaan Sababta ku Kaliftay Talyaaniga inuu sidaas yeelo.

SDN/QJ-Rome

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed