|

Afhayeenka AMISOM oo Dafiray Kufsi Cidamadoodu Geysteen

Muqdisho Aug 27,2013(SDN)-Afhayenka Ciidamda AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa dafiray in ciidamadoodu Kufsadeen Haween Soomaaliyeed dhawr Todobaad ka hor.

“AMISOM waxa ay gacanta ku heysaa xeryo fara badan oo haween fara badani u tagaan adeeg caafimaad,mana jirto kufsi ilaa haatan lagu eedeeyay”ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in baaritaano ay wadaan dawlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaan ilaa iyo haatan helin cadeymo muujinaya in Kufsi ka dhacay Maslax.

Xogta ah in ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay haweeney Soomalaiyeed ku kufsadeen xerada Maslax ee Muqdisho ayaa dad badan aad uga careysiisay.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed