Afhayeenka Al Shabaab oo Sheegay in ay Dhaawaceen Sarkaalka CID Mareykanka ugu qaabilsan Africa
Muqdisho July 14,2013(SDN)-Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa saxaafada u sheega in weerar ay doraato ku qaadeen kolonyo ciidamo ah oo AMISOM ah ay ku dhaawaceen Sarkaalka u qaabilsan ciidamada CIDda Mareykanka qaarada Africa.
Cali Dheere ayaa saxaafada u sheegay in ay mudo ku daba jieen Gray Schroen isla markaana ay qarax ay la beegsadeen ugu geysteen Dhaawac culus.
Shababaka ayaa weerar ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka yimi garoonka Duyuuradaha waxa ka dhashay khasaare baaxad leh.
Ciidamada AMISOM ayaase sheegay weerarka dabadii in wax khasaare ah aaney ciidamadooda ka soo gaarin weerarka.
Ma jirto cid weli shaacisay in kolonyada uu la socday sarkaalka Mareykanka ah iyo dhawaac soo gaaray toona.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com