afar Xubnood oo ka mid ah Komishanka Cusub ee Doorashooyinka oo la dhaariyay
Hargeysa (QJ) –Â Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Afartii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ay dhawaan golaha wakiilladu ansixiyeen.
Dhaarinta Afarta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee maanta ayaa ka damba socota diidmo Golaha Wakiiladu ka biyo diideen saddexda xubnood ee kale ee uu Madaxweynuhu u magacaabay Komishanka Doorashooyinka.
Sida aanu ka soo xiganay xubno ka agdhow guddida doorashooyinka ayaa gebi xilalkii iska casilay ka dib kolkii madaxtooyadu ka biyo diiday xilka ka qaadis ay ku sameeyeen guddoomiyihii hore oo ay isla markaana doorteen Guddoomiye cusub.
Xubnaha maanta la dhaariyay ayaa ku soo beegmaya xili doorashooyinka Somaliland ay hareeyeen khilaaf ka dhashay damaca maee ku wejahan kala horeysiiinta doorashooyinka Madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasada.