Afar Qof Oo Isku Qoys ah Oo Dil Loogu Xukumay Dhacdo Naxdin leh Oo ay ku Lugyeesheen
Lahour:Nov,20,2014(SDN/QJ)-Dalka Pakistan maxkamad ayaa soo saartay xukun ay dilayso Afar qof oo isku Qoys ah, kuwaas lagu eedeeyey inay qudha ka jareen gabadh qoyskooda ka tirsanayd.
Gabadha ay afartan qof hore u dileen ayaa la sheegay inay inay Guursatay Nin aanay reerkooda la rabin, taasina ay keentay in gabadhaasi loogu taliyo dil badheedh ah.
Aabaha dhalay haweeneyda, walaalkeed, ina adeerkeedĀ iyo wiil ay u doonanayd ayaa lagu xukumay xukun dil ah, iyada oo sidoo kalena xukun 40 sano ah lagu riday wiil kale oo la dhashay.
Masuuliyiinta xabsiga ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay racfaan ka qaadan karaan maxakamadda sare ee Lahore.
Farzana parveen ayaa geeriyootay kaddib markii eheladeeda ay ku weerareen budad, waxana intaas kadib socotay baadhitaano lagu xaqiijinayey sida dilkaasi u dhacay.
Waalidiinta gabadha ayaa ku eedeeyay ninka gabadhooda guursaday in uu afduubtay, waxa ayna u gudbiyeen dacwad ka dhan ninkaasi Maxkamadda Sare.
Balse booliiska ayey u cadeysay in ninkasi ay iskeed u guursatay oo aau qasbin.
Markii ay soo gashay dhismaha maxkamadda si ay u dhageysato dacwada, ayaa waxa soo weeraray tiro dad ah oo ka tirsan xubnaha qoyskeeda, waxa ay bilaabeen in ay garaacaaan iyada iyo seygeeda kaas oo markii dambe ka baxsaday.
Qeyba ka mid ah dalka Pakistaan, ayaanan dhaqan ahaan laga ogolayn in dumarka ay guursadaan guur aanay eheladooda raali ka ahayn.
Masuuliyiinta halkaasi ayaa sheegaya in boqolaal gabdho ah ay dilaan sanad walba xubno ka tirsan eheladooda, balse kiisaskaasi aanba loo soo gudbin booliska.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com