Afar Badhasaab oo Maanta la Wareegay Xilal uu Madaxweyne Siilaanyo u igmaday
Hargaysa 14.Feb (SDN) Munaasibado ay Xilalka kula kala Wareegayeen Gudoomiyeyaasha Cusub ee Gobolada Awdal,Gebilay,Hawd,iyo Sanaag ayaa Maanta lagu kala qabtay Xarumaha Goboladaasi.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Md Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolkaas Axmed Xaddi Sidci.
Munaasabad ka dhacday xarunta Gobolka awdal ee Boorame ayaa wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda arimaha gudaha Md Cismaan Garaad Soofe waxa uu labada mas’uul ugu kala wareejiyey xilka gudoomiyanimada Gobolkaasi.
Munaasabadani waxaa ka soo qayb galay, mas’uuliyiin ay ka mid yahiin la taliyaha arimaha haweenka ee Madaxweynaha Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo mayorka Boorame Md saleebaan Xasan xaddi oo ay wehelinayeen shan degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka awdal.
Gudoomiyahii hore ee Gobolka Awdal Md Axmed Xaddi Sidci oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkii uu ka qabtay gobolka mudadii uu xilka hayey, halka sidoo kalena uu uga mahadnaqay waxgaradka iyo shaqaalaha Gobolka sidii haboonayd ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu gobolka ku sugnaa.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa si rasmi ah Xilkii ugu kala wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gebilay iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas oo loo bedelay Gobolka Saraar.
Dhanka kalena gudoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Md Cabdoo axmed aayir oo isna hadal ka jeediyey kulankaasi ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono midaynta dadweynaha gobolka awdal kana hawlgeli doono sii ambaqaadka barnaamijyadii dhinaca horumarka ee gobolka ka socday, waxana uu ka dalbaday hawlwadeenada gobolka inay la sameeyaan wada shaqayntii loo baahnaa.
Gebagebadii wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda Arimaha gudaha Md Cismaan Garaad Soofe oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in maamulka gobolku yahay mas’uuliyad balaadhan isla markaana ay lagama maarmaan tahay inuu gacan ka helo bulshada gobolka si uu u guto waajibaadkiisa kaga aaddan horumarinta xaaladaha arimaha bulshada ee Gobolka.
Dhanka kalena badhasaabka cusub ee Gobolka sanaag Md Axmed maxamuud Geelle (Dacar)) ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolkaasi Axmed Diiriye Cigaal oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga ee JSL.
Xil wareejintan oo a dhacday xarunta gobolka sanaag ee Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qayb galay Mayor-ka Ceerigaabo Ismaaciil xaaji Nuur, madaxda qaybaha ciidamada ee Gobolkaasi iyo Isu duwayaasha hay’adaha dawladda ee gobolkaasi oo ay wehelinayeen qaar ka tirsan Madax dhaqameedka deegaankaasi.
Geestii kale Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Howad Ibraahinn Xaaji Xasan Cali ayaa Maanta Si rasmi ah ula xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolkaas Mudane Jamal Xuseen Hure oo loo Badalay Gobolka Daad Madheedh,
Munaasibad aoo ka dhacay Xaruunta Gobolka Howd ayaa ayaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo awqaafta , wasiirka ku xigaynka Arimaha Dibada , Madaxa Gobolka Maamulka Degmada Bali-gubadle Waxgaradka Culumaa udiinta iyo Martisharaf aad u badan .oo lagu soo casuumay.
Gudoomiyihiii hore ee Gobolka Hawd haatana ah Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Mudadii uu hayay Maamulka Gobolka Hawd iyo Waxqabadyadii kala duwanaa ee u hirgalay waxaanu ka dalbaday bulshada ku nool gobolka hawd inay si ka fiican sidiisii ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Mawliid Maxamud oo Maddashii Xil Wareejinta ka hadlay ayaa Tilmaamay inay tahay sunaha dawladnimo in Xilalka la isku Wareejiyo iyagoo intaas ku daray inay soo dhawaynayaan Xil wareejintan oo ku timid is bedelkii uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay Gudoomiyeyaasha Gobolada.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay ka baryay inuu u fududeeyo xilka iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday waxaanu balanqaaday inuu si cadaaladi ku jirto u maamuli doono hawsha gobolka.
Xubno kale oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba soo dhaweeyay Xil wareejintan.
Hargaysa SDN.