Af-hayeen Dhuxul Oo Shaaca Ka Qaadday In Saddxa Xisbi-qaran Iska Diideen Ka Qaybgalka Munasibadii 26-Ka June Ee Madaxtooyada lagu Qabtay
Hargeysa:June,29,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa Markii ugu horraysay Jawaab Shacabka reer Somaliland is weydiinayeen oo ahayd sababta Munaasibaddii qaran ee 26-ka June ee dhawaan Madaxtooyada lagu qabtay Looga Waayey Madaxda kala duwan ee Golayaasha qaranka oo ay ugu horreeyaan Saddxda Xisbi-qaran ee Dalka ka jiraa.
Afhayeenka ayaa si cad afkiisa uga sheegay inay iyagu masuuliyiinta Axsaabta Gaadhsiiyeen Waraaqihii marti-qaadka, balse maqnaanshuhu ka yimi dhinacooda.
Waxa uu qiray inaanay jirin cid loo diiday ka qaybgalka munaasibadda, balse la martiqaaday oo lagu casuumay inay Goobta yimaadaan, “ilaa shalay waxa la I soo weydiinayey Munaasibaddii maxaa loogu martiqaadi waayey Xisbiyada kala duwan ee Kulmiye, UCid iyo Waddani, waxanse halkan ka caddaynayaa in Xisbi walba waraaqihii marti-qaadka ee aanu masuuliyiintaas ugu talo galnay halkiisaa loogu geeyey inay yimaadaan iyo inaanay imanna waa wax iyaga la yaalla, laakiin waraaqahaas mid walba masuuliyiintoodaa Farta Laga Saaray.” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.
Munaasibaddii 26-ka june eel aba habeen ka hor lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa markii ugu horraysay ka maqnaaday Hoggaanka sare ee saddexda Xisbi-qaran, iyadoo sidoo kale aanay joogin Madaxda Golaha wakiilladu, waxana taasi keentay in shacabku is weydiiyaan sababta loo soo casuumi waayey Masuuliyiintan, maadaama maalin qaran la xusayey.
Su’aasha ugu weyn ayaa ka taagnayd sababta uu xisbigii talada Somaliland hayey u iman waayey Goobta, iyadoo taasna loo nisbeeyey Ragaadkii uu keenay khilaafkii muuse iyo Siilaanyo oo meel fog gaadhay.
Qiraalkan haatan ka yimi dhinaca Madaxtooyada ayaa muujinaya in si midaysan saddexda Xisbi qaran u diideen ka qayb galka munaasibadaas oo lagu tilmaamay mid hannaan Guulwadaysan u socotay oo shacabku aanu wax farxad ah ka helin.
SDN/QJ-Hargeysa