|

Adegyadii dawladeed ee Mareykanka oo intooddi badneyd ilbaabada loo laabay iyo ku dhawaad million ruux oo bilaashaqo ah saaka

Washington Oct 01,2013(SDN)-Golleyaasha Baarlamaan ee dalka Mareykanka ayaa ku guuldareystay in ay ansixiyaan odoraska miisaaniyada  dalkaasi ka dib dood mudo socotay oo ku xeeran barnaamijka caafimaad ee ObamaCare.

Xisbiga mucaaridka ah ee repuplican-ka ayaa shuruud ku xiray in ay ansixiyaan miisaniyda dalka Mareykanka.

Repuplican-ka ayaa heysta aqlibiyada aqalka Wakiilada ee dalkaasi halka Democaratis-ku ay heystaan aqalka cad iyo aqalka sare ee Senet-ka loo yaqaano.

Ku dhawaad million ruux oo u sheqeeyay hay’adaha dawliga ah ee dalkaasi ayaa maanta bilaa camal ah oo aan soo shaqo tegin.

Ma cada inta ay qaadan doonto hakadkan ku yimi adeegyadii dawladeed ee Mareykanka balase waxa muuqata in shicib badani ay aad uga walaacsan yihiin marxaladan la galay iyo sida ay noloshooda u saameyn doonto.

Ma aha kolkii u horeeysay ee ay adeegada dawladeed ee Mareykanku hakad gasho ,17 sanadood ka hor ayay aqalada Baarlaaan ee dalkaasi ku guuldareysteen in ay ansixiyaan miisaaniyada dalkaasi.

Ma jiraan ilaa iyo haatan tilaabooyin muuqda oo labada dhan isu soo dhaweyn kara iyo waan waan toona.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed