Addis Ababa oo weli ka socdo shirkii Jubaland & Dawlada Federaalka iyo Ismaandhaaf baaxad leh oo ka Taagan
Addis ababa 25.Aug 2013 (SDN)- Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa weli ka socda maalinkii lixaad wadahadalkii u dhaxeeyay Jubaland iyo Dawlada Federaalka Somalia , waxana ergo labada dhinac ka socda maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen shir la isku qabtay qodobo badan.
Marar badan ayaa burbur iyo fashil ku yimid shirka, iyadoona ay soo dhexgalayeen beesha caalamka sida EU, IGAD iyo Dowladda Ethiopia oo martigelineysa wadahadalkan.
Shirka kan xiga ayaa la isku raacay inuu Muqdisho ka dhaco iyo in maamulku noqdo mid KMG ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in galabta lagu saxiixi lahaa Addis qodobo labada dhinaci ku heshiiyeen, inkastoo markii danbe qaabka loo qoray lagu heshiin waayay oo dib u dhigtay saxiixa heshiiska Jubaland iyo DF.
Sidoo kale waxa la isku qabtay cid maamuleysa Dekedda iyo Garoonka magaalada Kismayo oo la sheegay in guddi loo saarao kaasi oo argadu ku kala fikir duwanaatay cida soo magacaabaysa.
Dawlada Federaalka Somalia ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay u maamuli lahayd ilaha dhaqaalaha ee Kismayo.
Saddexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo ayaa kala yeelanaya saddex gudoomiye iyo hogaan sare oo mideeya.
Addis ababa SDN.