Addis ababa oo uu ka furmay Shir lagaga hadlayo Amaanka Xeebaha Afrika
29,Apr.2014(SDN/QJ)-Wararka ka inaya Magaaladda Adisabab ee dalka Ethopia,ayaa sheegaya in Wasiirada Kaluumaysiga ee wadammada Afrika ay kulan ku leehiyihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo looga hadlayo horumarka laga sameeyay joojinta kaluumaysiga sharci darrada ah ee lagu hayo badaha qaarada Afrika.waxa kale oo la sheegayaa in lagaga wada hadli doono sidii si wada-jir wax looga qaban lahaa Kaluumaysiga Sharci-darada ah ee aalaaba laga soo sheego Badaha wadamadda Qaaradda Afrika.iyada oo si aad ah loogu eedeeyo inay badi ka danbeeyaan Kaluumaysiga Sharci-daroda ah Wadada Horumaray gaara ahaana,dhinaca Warshadaha,oo la sheegayo inay xataa Hadhaaga Sunta warshadaha ay ku qubaan Xeebaha Wadamada Afrika oo inta badan lahayn Awood Buuxda oo ay ku Xakamayn karaan Dhaqdhaqaaqa Badahooda.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadammada Afrika ugu xeebta dheer, waxaana la sheegayaa in sanad kasta malaayiin dollar ku waydo maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumaysta badaheeda.waxaana intaas dheer Budhcadbadeed iyaguna ka dilaacay Badaha Dalkaasi,oo ay haatan dagaal ay kula jiraan Markiib farabadan oo ka socoto Wadamada Caalamka,inkasta oo dad badani ay Su’aal galiyaan Shaqada Rasmiga ah ee Maraakiibtan Shisheeye.
Waxaana dhinaca kale si weyn isu dhimay Hawl galadii ay Budhcad badeeda Somalidu ka fulin jireen Xeebaha ka baxsan Badaha Somalida.
SDN/QJ-Adis ababa
contact@somalidiasporanews.com