Abwaan Xasan Ganey Oo Dalka Jarmalka Gaadhay Iyo Somalida Halkaas Ku Dhaqan Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jirta Kulamo ay La Yeeshaan
Berlin:Nov,13,2014(SDN/QJ)-Waxa Dalka Jarmalka Soo Gaadhay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (xasan-ganey), kaas oo somalida dhexdeeda caan ka ah.
Abwaanka oo Haatan xanuun dareemaya evaluation essay ayaa ka kicitimay Dalka Djibouti, waxana uu arrimo caafimaad ku beegsaday dalka uu haatan joogo ee Germany, iyadoo soomaalida Halkaas ku Nooli ay si weyn ugu xiiso qabaan sidii ay Kulamo gaar gaar ah ula yeelan lahaayeen.
Xasan Xaaji Cabdilaahi, ayaa ah abwaan soomaalida dhexdeeda caan ka ah, waxana si gaar ah loogu xasuustaa Hannaanka uu heesihiisa u samayn jirey oo si weyn looga dheehan karayey Xeeldheerida iyo aqoonta Durugsan ee uu dhaqanka somalida u leeyahay.
Abwaan Xasan Cabdilaahi Xasan Ganey Waxaa Lagu Xusuustaa Riwaayado Badan oo Runtii Midba Mida Kale Ka Dhicin, kuwaas oo ilaa iyo Maanta aan ka guuri Karin maskaxda soomaalida, isla-markaana xikmadooda aan la ilaawi Karin.
Riwaayadaha Ma Guuraanka ah ee Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (ganey) ayaa waxa kamid ahaa:
Dab Jaceyl Kari waa oo Abwaanku Sameeyay Sanadkii 1973
Jin Iyo Jaceyl — 1975
Dumistii Aqalkayga Iyo Arooskii Inankayga — 1977
Galbeed Waa La Xoreeye Waarsaa Gaagixisay — 1978
Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa — 1980-kii
Masiibadu Adduunyada Iyadaa u Macalin Ah — 1983
Daajiyaaba ka Maaal- 1988kii
Riwaayadii Ugu Danbeysay Ee uu Abwaan Xasan Ganey Sameeyo
Laakiin Aan La Dhigin Waa Riwaayada La Magac Baxday
Dhaqankeeniyo Dhaliisha Casriga oo uu Sameeyay Sanadkii 2000.
Abwaanka ayaa kadib marka uu xaalkiisa caafimaad talooyin ka helo waxa uu ku talo jiraa inuu Kulamo la Yeesho Kumanaan soomaali ah oo safaf dhaadheer ugu jira kulamo ay la yeeshaan, maadaama aanu Abwaanku inta Badan Goobaha Fagaaraha Fanka aanu ku Badnayn.
SDN/QJ