|

Abwaan Gabay Mug leh u hibeeyay Xaaji Cabdi Waraabe

Hargeysa Feb 12,2014(SDN)-Gabay (Dhaxal Reeb) waa murti kooban oo abwaanku u hibeeyay Samo-Taliska reer somaliland ee xaaji Cabdikarim Xuseen Yusuf (cabdi warabe)

waa Erayadii Abwaan Axmed C/laahi fartaag.
,,,,,,,,,,,,,,,,
Dhibta iyo colaadiyo markay dhagari soo duusho,
Dhamacduu bakhtiin jiray iyo Dhimbiil qiiqda ,
Dhuxul soo huraysiyo muxuu dhuujay raran hoose,
Dheecanka numbarkii lahaa muxuu dhaymo kula daalay,
,,,,,,,,,,,
Dhacdadii timaadaba muxuu dhiilada u joogay,
Dharaar baasta geesuu ahaa iyo madhaafaane
Markay dhabaqdo xaajigu buu dhexda xidhaaye
Waa damdamis dhulkeenii jiroo holac dhirbaaxaaye
Dheeftana raguun baa u hadha dhuuniguun suga’e
,,,,,,,,,,,
Muxuu dhaawac naga baajiyuu dhimasho noo diiday
Kii dhimaaya gobonimo muxuu dhaqan u soo sheegay
Waa dhanbaalka Nabadee muxuu cadawga dheereeyay
Eray aan cid-naba dhibin muxuu dhago tusaaleeyay
Dhunkaal kii u qooshana muxuu malab dhansiinaayay
Dulqaad buu ku dhaafaa markuu nacas dhaliilaaye,
,,,,,,,,,,,,
Muxuu dhacanta balo saarayuu dhagax ku soo dayray
Dhalaankiyo caruuraa muxuu dhaxan ka soo hooyay
Dhul-jiif reer u soo galay muxuu dhiciyay maalkooda
Dhanxiir beelo kala dilay muxuu dhibe ka soo gaadhay
Dhufays laba isugu jira muxuu dhaar ku kala baajay
,,,,,,,,,,
Markay kala dhaqaaqaan xaquu ugu dhawaaqaaye
Qarankeena oo dhaca intuu dheeliga u diiday
Dhismii Dawladeenana muxuu dhiirigalin siiyay
Dhalinyarito waayeel muxuu dhidar ka soo reebay
U dhexraaci kii yidhi muxuu dhabarka soo jiiday
,,,,,,,,,,
Ilaahay ha dhawree muxuu waano dhaxal reebay
Ilaahay ha dhawree muxuu talada noo dhiibay
Ilaahay ha dhawree muxuu dhiidhi naga saaray
Dhexdhexaadis weeye dhamaan maysu wada keenay
Cimrigiisu dheeraa muxuu goolal soo dhaliyay
Ana gabayga dheegtoow maxaan dhilasho kaa diiday.

dissertation writing services uk

Comments are closed