Abwaan 26 Maalmood u Xidhan Maanso uu ku dhaliilay Madaxwayne Siilaanyo
Abwaan Haybe Faarax Nuur oo ka mid ahaa Mujaahidiintii ururkii SNM oo Muddo 20 Maalmood ah Xabsiga Gabiley ku jiray ayaa Loo Soo Gudbiyay Xarunta Danbi Baadhista CID iyada oo lagu soo Eedeeyay Dhawr Maanso oo uu ku Dhaliilay Hogaaminta Shaqsiyadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo tan iyo Wakhtii Halganka
Abwaanka oo Dhawaan Waraysi Siiyay Wargeyska Caalami ayaa Dhaliilo badan usoo jeediyay Madaxwayne siilaanyo Wakhtigii uu SNM ahaa waxa ka mid ahaa Maansooyin uu Abwaanku Tiriyay Ereyadan“Taliskii Siyaad iyo Markaan Faqash Tacaalaynay, Talla Xumadu Waa wuxuu kugu Badalay Tuurba barigiiye, Taariikh ururro kale leeyahaa soo Turjumataaye,Tagisteeda Xamar Waad jeclayd tan iyo Waagii”
Maaha Markii ugu horeysa ee Xukuumadu Xidho Masuul Madaxwaynaha usoo jeediyay Dhaliilo is dul tuulmay oo loo Tirinayo Hogaamintiisa oo saluug badan la Muujiyay iyada oo hore Xabsiga loo Dhigay Boqor Cismaan Buur Madaw oo in Muddo ah Xabsiga ku jira
Abwaano kale ayaa ka Dhiidhiyay Xadhiga Mujaahid haybe Waxaana ka mid ah Ereyo uu Abwaan Weeshame ku Dhaliilay Xadhiga Haybe sidan
“waxa haybe lagu xidhay,
hawraar dhaliiliyo,
hadal iyo ma maansaa?
sida aan u hawl-galay,
dadna aan u hoog baday,
ma car hees ka tiribaa?
ma anaa hoggaankiyo,
hubka iyo adduunkiyo,
cudud xoogle haystaa?”
Source: Gabilay